PL marka laga so tago masuuliyada iyo diblomaasiyada ay muujisay,hadana,waxaa jiray wada xaajood adag oo dhexmaray Labada dhinac,gaar ahaan Mw Deni iyo Safiirka.
1.Weftigu,waa mid sare oo ka kooban Siyaasada iyo Milleteriga ee Turkiga.
2.Maqaam Labada Dowladood oo siman,ayaa loo wada hadlay.
3.Waxay la yimaadeen cadaymo muujinaya in ay iyagu wada leeyihiin dhamaan Hubka saaran Markabka.
4.Waxay umahadceliyeen Dowlada PL,waxayna qireen hanaanka Maamul ee PL.
5.Waxay ballanqaadeen in ay PL ka taageerayaan la dagaallanka argagixisada.
Turkidu,waxaa ka muuqatay in ay fajeciso ku noqotay hanaanka Dowladeed ee ka muuqda PL oo iyagana lagula dhaqmay ee aan ka jirin Koonfur.
Yax-yaxa ugu weyn ee Qofka Somaliga ah haysta,waa ilhaamada Xamar taala oo…..
.
B.W.Gaashaandhiga oo Turkiga Jaajuus ah.
T.Masuuliyiintii heer Fadaraal iyo heer DG oo Viso barya ah Fayl ugaga jira Safaaradooda.
Balse PL,waxay bartay Turkida in ay jirto Somali qab leh oo Qaran ah,waxayna indhahooda ku arkeen,waxay ka sheekayn doonaan.
Markabku,wuxuu ka shiraacanayaa PL Arbacada,waxaana imaan doona wefti kale oo Turkiya isla Arbacada.