Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Somaliya oo Shirkado kala laabatay rukhsadihii duulimaad
    Somalia

    Dowlada Somaliya oo Shirkado kala laabatay rukhsadihii duulimaad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

    Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA.

    Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah.

    Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA.

    Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo.

    Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.