Garoowe: 10 July 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Siyaasadeed iyo Amni ee Soomaaliya, Arrimaha gudaha ee Puntland sida ladagaalanka Argagixisada, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland iyo mashaariicda horumarin ee UK ay ku fuliso Puntland.

Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland soo gaarsiisay deeq isugu jirta Daawooyin iyo Agab caafimaad, oo ay ku taageertay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo hadda ka socda buuralayda Calmiskaad, waxaana Puntland lagu boggaadiyey sida ay uga go’antahay Ciribtirka Argagixisada .

