Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda in ay ka baxaan Itoobiya
    Somalia

    Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda in ay ka baxaan Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay ka baxaan dalka dagaallada ay la degeen Ethiopia, sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Mareykanky waxay shacabka u sheegeen inaysan jiri doonin daad-gureyn la mid ah tii Afghanistan, oo maalmihii ugu dambeeyey kahor qabashashada Taalibaan ay militariga kasoo qaadeen kumanaan qof.

    Safaaradda Mareykanka ayaa baaqan wadday maalmo, waxayna u sheegeysaa shacabka inay duulimaadyada rayidka uga baxaan dalka Ethiopia, halkaas oo ay suurta-gal tahay in mucaaradka ay usoo ruqaansadaan caasimadda Addis-Ababa.

    Safaaradda ayaa deyn u yaboohday kuwa aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan tikit.

    “Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.

    Waxa uu sheegay inuu ka cabsi qabo “jahwareer” ka dhex dhaca shacabka oo ah “wixii aan ku aragnay Afghanistan waa wax dowladda Mareykanka ay ka sameyn karto meel kasta oo dunida ka mid ah.”

    Mareykanka ayaa kahor iyo kadib maalmihii ay Taalibaan soo galeen Kabul waxay soo daad-gureeyeen 123,000 oo qof oo isugu jira shacab Mareykan ah iyo Afghaaniyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda.

    “Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay ahaayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowladda Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel kale oo dunida ah,” ayuu yiri Price.

    “Ma jirto sabab ay dadka Mareykanka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.”

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.