Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DOWLADDA PUNTLAND OO DIB-U-FURTAY KULIYADDA BARASHADA KALLUUMEYSIGA
    Puntland

    DOWLADDA PUNTLAND OO DIB-U-FURTAY KULIYADDA BARASHADA KALLUUMEYSIGA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bosaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .

    Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Dowladdu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga .

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale .

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.