Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa tirakoobka sharciyada dalka (VIDEO)
    Puntland

    Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa tirakoobka sharciyada dalka (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoobka sharciyada dalka.

    Tababbarkan oo socon doono muddo labo cisho ah, isla markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

    Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ayna uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u yeelan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday.

    “Arrinta maanta la idinku yeeray waxa ay tahay inaad ka qeyb gashaan tababarka oo wacyi gelin ahaan u joogtaan xafiisyada aad joogtaanna si daacad ah ula shaqeysaan, idinkoo aad ilaalineysaan sharciga dalka u degsan, ahmiyadda labaad ayaa ah in la joogteeyo wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha ku shaqada leh” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

    “Wasaaradda Cadaaladda waxa ay shaqadeedu tahay inay arruuriso sharuucda dalka u degsan, keydiso iyadoo kaashaneyso xafiiska Garyaqaanka guud oo shaqadooda tahay inay soo saaraan faafinta rasmiga ah, marka waxaa loo baahanyahay in sharuucda dalka loogu soo hagaago Wasaaradda Cadaaladda iyo xafiiska garyaqaanka Guud” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka oo shaaciyay inay qorsheynayaan hirgelinta maktabad lagu keeydinayo sharuucda.

    Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay tirikoob ku sameyn doonto sharuucda dalka laga soo bilaabo xiligii maxmiyadda ilaa iyo markii la qaatay xoriyada dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.