Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku amaanay Haweenka Somaliyed kaalinta ay ka qaataan horumarinta Dalka
    Somalia

    Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku amaanay Haweenka Somaliyed kaalinta ay ka qaataan horumarinta Dalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 8, 2018Updated:March 8, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka – gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman
     
    War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:“Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
     
    Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.
     
     
    Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas’uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.
     
    Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.
     
    “Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating.
     
    Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: “Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka.”
     
    Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu caddeeyay in “gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena.”.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.