Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ethiopia: Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed
    Somalia

    Ethiopia: Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 5, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Tigray ee Ethiopia, kooxo kale oo hubaysan iyo kuwa mucaarad ah ayaa dhisay isbahaysi ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyaga oo raadinaya isbeddel siyaasadeed ka dib sanad uu socday dagaal qaraar, sidaasina waxa ay AP ka soo xigatay qabanqaabiyeyaasha.

    Saxiixa Jimcaha maanta ah ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa kooxaha ku biiray ka mid ah ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jira ciidamada Ethiopia iyo kuwa huwanta ah. Sidoo kale, waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qeybaha dalkaasi.

    Isbaheysigan ayaa la unkay xilli ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu ku sugan yahay caasimadda Ethiopia uuna la kulmay madaxda sare ee dowladda, iyo xilli ay xoogeysanayaan baaqyo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumanaanka qof tan iyo November 2020-kii.

    Mareykanka ayaa sheegay in Feltman uu Khamiistii la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo maaliyadda.

    Isbahaysiga cusub ayaa loogu magac-daray Jabhadda Midowga Ciidamada Federaalka Ethiopia, waxaana ujeedku yahay in “Ethiopia uu ka abuurmo nidaam ku-meel-gaar ah” islamarkaana uu ra’iisul wasaaruhu sida ugu dhakhsa badan Meesha uga baxo, sidaasina waxaa sheegay Johnes Abraha, oo ka tirsan kooxda Tigray isaga oo la hadlay Associated Press goor dambe oo Khamiistii ah.

    “Tallaabada xigta waxa ay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo la kulanka iyo xiriirka wadamada, diblumaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee ku sugan Ethiopia iyo caalamkaba.”

    Waxa uu sheegay in isbahaysigan cusub uu ka kooban yahay dhinacyada siyaasadda iyo militari-gaba. Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin xiriir ay la sameeyeen dowladda Ethiopia.

    Afhayeen u hadlay Oromo Liberation Army (OLA), Odaa Tarbii, ayaa xaqiijiyay isbahaysiga cusub. Mar la weydiiyay in tani ay ka dhigan tahay in Abiy lagu qasbo in uu meesha ka baxo ayuu ku jawaabay in taasi ay ku xiran tahay dowladda Ethiopia iyo dhacdooyinka iman kara toddobaadyada soo socda.

    “Dabcan, waxa aan door-bideynaa haddii uu jiro kala guur nabad ah oo nidaamsan oo Abiy meesha kaga baxayo,” ayuu yiri.

    Afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha Billene Seyoum ayaa ka hadashay isbahaysigan cusub fiidnimadii khamiistii mar ay Twitter-keeda ku qortay “cid kasta oo diiday hannaanka dimuqraadiyadda ee Ethiopia qaadatay ma noqon karto koox dimuqraadiyadeed,” iyadoo farta ku fiiqeysa in Abiy uu furfuray siyaasaddii dalkaasi ka dib markii uu xafiiska yimid 2018-kii.

    Dib u habeyntiisii siyaasadeed waxaa ku jiray in uu dalka ku soo dhoweeyay kooxo mucaarad ah oo ka soo laabtay masaafuris.

    Afhayeenka ayaa Jimcaha maanta ah sheegtay in aysan markale ka hadleynin isbahaysiga, aysanna sidoo kale haynin wax war ah oo ku saabsan in ra’iisulwasaaruhu uu la kulmayo ergayga gaarka ah ee Mareykanka.

    Kooxaha kale ee Isbahaysigan wax ka saxiixay Jimcaha maanta ah waxaa ka mid ah Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Agaw Democratic Movement, Benishangul People’s Liberation Movement, Gambella Peoples Liberation Army, Global Kimant People Right iyo Justice Movement/ Kimant Democratic Party, Sidama National Liberation Front iyo Somali State Resistance, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.