Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin Labadii Qarax Ee ka dhacay magaalada Kampala
    Somalia

    Faahfaahin Labadii Qarax Ee ka dhacay magaalada Kampala

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 16, 2021Updated:November 16, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo Talaadada maanta ah ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sida ay sheegeen booliska.

    Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.

    “Illaa iyo hadda waxaa dhaawac ah 33 qof, waxaana 5 ka mid ah ay xaaladdoodu tahay mid daran,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Fred Enanga, oo shir jaraa’id qabtay, kaasi oo intaas ku daray inay dhinteen saddex qof oo kale.

    Enanga wuxuu sheegay in qaraxyada ay fuliyeen saddex qof oo is-miidaamiyey.

    Booliska ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen kooxda Allied Democratic Forces (ADF), oo Mareykanka uu sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

    Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay “in astaamaha weerarada ay waafaqsan yihiin kooxda ADF.”

    Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay.

    “Kadib ficilkan nasiib-darrada iyo argagixisada ah, shaqaalaheena caafimaadka waxay si aan kala joogsi laheyn uga shaqeynayaan inay badbaadiyaan nolosha kuwa la dhaawacay,” ayuu yiri.

    Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka.

    Qaraxyada mataanaha ee maanta ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

    Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

    Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa la baajiyey kadib weerarada, waxaana xubnaha la weydiistay inay ka fogaadaan aagga.

    Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan aagga, ayna xaaladda kala socdaan warbaahinta gudaha.

    Booliska Uganda ayaa bishii tagtay xiray qof ka tirsan ADF, waxayna ka digeen in xagjiriinta la rumeysan yahay inay qorshaynayeen weerar lagu qaado “dhisme weyn”.

    Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

    Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish.

    Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.