Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»faahfaahin laga helayo wiilal Soomaaliya Oo xalay lagu dilay London
    Somalia

    faahfaahin laga helayo wiilal Soomaaliya Oo xalay lagu dilay London

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 21, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    London Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba wiil oo Soomaali ah oo xalay fiidkii siyaasabo kala duwan loogu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena lagu dhaawacay.

    Labada wiil ayaa waxaa lagu dilay laba xaafad oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla London, iyada oo dilkooda loo adeegsaday Mindi, sida ay sheegeen Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

    Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa Da’ahaan waxaa lagu qiyaasay in ay u dhaxeeyaan 18-sano ilaa 20-sano, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen jirkooda oo ku yaalla Mindida dilkooda loo adeegsaday.

    Booliska magaalada London ayaa gaaray goobta ay dilalka ka dhaceen, waxayna la wareegeen Meydadka Soomaalidii la dilay, baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen dilalkan in ay geysteen koox burcad ah.

    Warar madax banaan ayaa sheegaya dilalkan in ay ka dambeeyaan Burcad Madow ah oo watay Gaari, kuwaasi oo sida muuqata u aar gudayay Nin Madow ah oo Sabtidii ina dhaaftay lagu dilay magaalada London.

    Labada wiil ee la dilay mid ka mid ah ayaa walaalkiisa Afar bilood lagu dilay magaalada London, falkan waxaa si aad ah u cambaareeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska iyo ururada u dooda xuquuqda arrimaha bulshada, waxayna dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ragii dilka geystay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.