Safiirka Somaliya ee Maraykanka mahan Nin fahan Siyaasadeed leh,waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay Qof wanaagsan,balse,waa Xubin Damjadiid ah oo loo yeeriyo waxa uu qorayo sida Twitter-kan.
Shidaalka Somaliya ee dhanka Dhulka,waxaa intiisa badan haysta Shirkado Maraykan ah.
Shirkadahaas maku aaminayaan Dhaqaalahooda iyo Qalabkooda ku kacaya Balaayiin Dolar Dhulka Somalida.
Shirkadaha micnaha leh si cad ayay uga diideen DFS in ay heshiis la galaan,sida…
1. Conoco.
2. ExxonMobil.
3. BP.
4. Total.
Dhamaan Shirkadahan,way ka cudurdaarteen ka hawlgelida Somaliya.
Shiinaha,ayaa ah fursada jirta,balse isaguna Maraykanka,ayuu ka baqayaa oo ma geli karo gudaha Somaliya.
Waxaase haatan soo baxay Turkiga oo ka mid noqday Gacmaha Maraykanku adeegsado,wuxuuna isku dayayaa in ku qanciyo Shirkadaha Maraykanka in isagu fuliyo Shaqada oo Magaciisa la isticmaalo.
Todobaadkii hore ayay DFS la gashay Turkiga heshiis Shidaal oo dhanka Dhulka ah oo ku kooban Koonfurta.
Hadalka Safiirku shaaciyay,waa wax ku kooban Siyaasad oo lagu qaniinayo SL iyo PL.
Gaar ahaan PL Dhulka Shidaalka lagu tuhmayo,waa Nugaal Valley oo ilaa Eyl iyo Qardho galaya.