Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Agaasimaha cusub sirdoonka Puntland oo xilka la wareegay (Awood siinta Deni & Filashada)
    Somalia

    Faallo: Agaasimaha cusub sirdoonka Puntland oo xilka la wareegay (Awood siinta Deni & Filashada)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2022Updated:October 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland ee PISA, Jamaal Carab Yuusuf ayaa la wareegay xilka, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Hay’adda sabtidii.

    Jamaal Carab oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Puntland iyo Agaasimaha Puntland TV/Radio, ayaa Madaxweyne Deni magacaabay 23-September, waxaana lagu bedelay Mukhtaar Jeyte oo Hay’adda hoggaaminayay muddo sanado ah.

    AWOODDAHA SICIID CABDULLAAHI DENI SIIYAY AGAASIMAHA CUSUB EE PISA.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha Puntland uu qaatay go’aan la xiriira dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo sirdoonka Puntland.

    Siciid Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha cusub ee PISA ku wargeliyay in uu doonayo in shaqo muuqata laga qabto qaab dhismeedka Hay’adda, iyo nidaamkeeda shaqo, ayna noqoto saldhiga laga ilaaliyo nabad-gelyada deegaanka.

    Xogaha ayaa tilmaamaya in uu u ballanqaaday Madaxweynuhu Agaasime Carab dhowr arrimood, kuwaas oo sahli kara dib-u-dhiska aqoonta iyo tayada xubnaha PISA, sida joogteynta qoondo-miisaaniyeedka Hay’adda, iyadoo la kordhinayo iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dhamaan Hay’addaha amni ee kale, oo ka jira deegaanka.

    Sarkaal kamid ah Hay’adda PISA ayaa sidoo kale inoo sheegay in Madaxweyne Deni uu awood u siiyay Agaasimaha cusub soo dhisida waaxyaha Hay’adda, iyo in uu soo magacowdo dadka qabanaya 9 hoggaan ee Hay’adda sirdoonka Puntland ka kooban tahay.

    Dhinaca kale, Madaxweyne Siciid Deni ayaa u sheegay Agaasimaha cusub in looga baahan yahay dhaqaajinta barnaamijyo lagu taageerayo Hay’adda, oo laga helay dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo socod siintooda uu ku guuldareystay Agaasimihii ka horreeyay Mukhtaar Jeyte.

    JAMAAL CARAB IYO WAXA LAGA SUGAYO.

    Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Jamaal Carab ayaa dadka yaqaana ku tilmaamaa nin daacad u ah shaqada uu hayo, dabacsan, sidoo kalena deg-deg ula falgala dadka shaqo wadaagta ay yihiin.

    Balse Jamaal Carab ayaa lagu dhaliila inuu yahay shaqsi jilicsan oo aan horey u socod siin xafiiska Madaxda uu ka yahay, marka laga soo tago in uu xasilin karo nidaamka shaqo iyo shaqooyinka markaas uu ugu tago xafiiska.

    Intii uu hoggaaminayay Wasaaradda Qorsheynta iyo Puntland TV/Radio ayaa la sheegaa in uusan wax hormar wanaagsan ah ka sameyn labada xafiis. Waxaana dadka fahansan Hay’adda sirdoonka qabaan in looga baahan yahay Agaasime Carab isbedel ka duwan hoggaamintiisii hore iyo in Hay’adda oo burbur badan ka muuqdo hannaankeeda shaqo, oo ay ugu horeyso qeybta xuuraansiga (sirdoonka).

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.