Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Axmed Madoobe maka badbaadi doonaa Isdiidooyinka horyaala?
    Somalia

    Faallo:-Axmed Madoobe maka badbaadi doonaa Isdiidooyinka horyaala?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 3, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Axmed Madoobe ma diidana Sanadka ku darsiga ah,balse,waxa uu khaldayaa Laba Dowladood oo kala ah…….

    1.Kenya oo kula soo ballantay in uu qabto Doorashada oo uusan raacin qorshaha Xasan,sababtoo ah Kenyanka,waxaa muhiimad uleh JL.

    2.Imaaraadka oo kula soo ballamay in uusan raacin qorshaha Xasan oo uu qabsado Doorashada,sababtoo ah Imaaraadka iyo Xasan,waa kala dhaqaaqeen.

    Axmed oo cadaadiska Kenya iyo Imaaraadka iyo qancinta Xasan isqabadsiintooda la jahwareersan,ayaa hindisay Doodan ah…

    1.PL Shirka ha timaado.
    2 Khaatumo xal haloo helo.

    Ujeedka Axmed,waa…..

    B.In uu Shirka geliyo buuq oo haday umarto sidaa ku tago,isagoo isku muujinaya hogaamiye qiyam ku dagaalamay oo masiirka Daarood iyo wax weyn lasoo carooday,kadibna Doorashadiisa qabsado.

    T.Haduu socon waayo isku daygiisan,waxa uu raacayaa Ragiisa,isagoo dhanka kalana isku muujiyay Nin harjaday lagase awood batay.

    Axmed,waa og yahay Shuruudahan in aysan hirgeli karin oo PL Shirka sinaba ku imaanayn,isla markaana Khaatumo aysan ahayn Maamul.

    Axmed,ku darsashada iyo Qorshaha Xasan si cad uma diidana oo waxaa uga xiran Lacagtii Kabida Miisaaniyada ee Baanka Aduunka.

    Axmed,sidoo kale,waa rabaa helida 5-Sano oo cusub.

    Axmed Imaaraadka waxba kama diidi karo oo Caafimaadkiisa iyo Qoyskiisaba,iyagaa Martigeliyay marka laga tago Lacagta Kabida ah ee ay ku taageeraan.

    Axmed Sirdoonka Kenya ee uusan la’aantood JL xukumi karin,waxay usheegeen in JL xasiloonideeda Siyaasadeed,iyaga muhiim utahay sidaa daraadeed uu qabto Doorasho Nov.

    Su’aashu,waaa?

    Axmed isdiidooyinkan maka dhex Qadayn doonaa mise,waa Geeri Siyaasadiidkiisii kadib 15-Sano oo uu soo ahaa Dabin ka bood?

    Shirka maxaa kasoo bixi doona?

    Warmurtiyeedka laguma soo saari doono in mudo kororsi la aaday,waxaase lagu soo saari doonaa in Doorasho Qof iyo Cod ah la aaday laguna hirgelin doono mudo Sanad gudihiis ah Doorashada Golayaasha Deegaanka…

    B.4-Bilood oo Diiwaangelin ah.
    T.4-Bilood oo Diyaarin Xarumaha iyo Qalabka.
    J.4-Bilood oo Qabashada Doorashada ah.

    Hadafku,waa in mudo kororsi lawada aado,balse Shacabka Somalida iyo BC la khaldo oo lagu gabado Doorasho Qof iyo Cod ah oo lawada og yahay in aysan K&B ka dhici karin 15-ka Sano ee soo socota.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.