Waxa laysku hayo ma’ahan Diin ee waa muhiimado amni,dhaqaale iyo siyaasadeed.
Wadaadada Iran,waxaa la socda Wadamo aan Islaam ahayn,halka xulufada Maraykanka ay ka kooban tahay Muslin,Yuhuud iyo Kiristiyaan.
Maraykanka iyo dagaalka?
Wuxuu ilaalsanayaa Boqortooyadiisa Bariga Dhexe,wuxuuna u arkaa Wadaadada Iran in ay yihiin loolanka kaliya ee ka haysta Gobolka,isla markaana ma aqbalayo in ay ku awoodaystaan.
Maraykanka Gobolka,waxaa uga wakiil ah Israa’iil oo la oran karo waa DG ka mid ah DG Maraykanka,sidaa daraadeed awood iyada ka saraysa kama jiri karto Gobolka,waa hadafyada Maraykanka mid ka mid ah.
Israa’iil iyo dagaalka?
Waxay difaacanaysaa amnigeeda oo ay u aragto in Wadaadadu ku yihiin khatar muuqata xilligan iyo mustaqbalka.
Wadamada Khaliijka iyo dagaalka?
Wadaadadu haday awoodaystaan,waxay ku yihiin khatar amni,dhaqaale,siyaasadeed iyo mid Diimeed,waxaa ka go’an in aysan awoodaysan oo ay la kaashadaan cid walba oo la diciifin karta.
Somalida iyo dagaalka?
Majirto aragti midaysan oo Somalidu leedahay oo ku wajahan dagaalka,waana kala dan.
SL,waxay xiriir dhow la leedahay Israa’iil dabcan in siyaasada Israa’iil guulaysato,ayaa muhiimad uleh.
PL,waxay isku xiran yihiin Imaaraad,waxayna khatar u aragtaa wax alaale iyo wixii khatar ku ah amnigeeda,siyaasadeeda iyo dhaqaalaheeda,sidaa daraadeed PL,waxay u aragtaa Wadaadada Iran (khatar jirta).
Waxaa kaloo PL culays weyn ku ah argagixisada Daacish iyo AS oo labaduba xiriir la leh Xuutiyiinta oo kusii xiran Wadaadada Iran.
Xamar inkastoo aysan lahayn aragti fadhida hadana,waxaa siyaasiyiinteedu intooda badan saamayn ku leh Turki iyo Qatar oo Wadaadada Iran u arka cadow khatar ku ah,waxayna qayb ka yihiin xulufada Maraykanka.
Si guud Somalida,waxay nolol ahaan ugu xiran yihiin Reer Galbeedka iyo Khaliijka,taasina,waxay ka dhigaysaa in aysan Iran dan u ahayn.
Shacabka Somalida oo wacyigoodu hooseeyo oo wax walba ku eega caadifad Qabiil,Diimeed iyo Wadaniyadeed oo aan lahayn aragtiyo bisil oo korsan,waxay dagaalkan u fahmeen Gaalo iyo Islaam.
Saxaafada Somalidu,waa muuqataa in ay hoosayso oo aysan qaadan doorkii hogaamineed ee laga rabay,waxayna la faham noqotay shacabka caadiga ah,waxayna ukala baxaan Sadex qaybood…..
B.Qayb la fahan ah dadka caadiga ah oo caadifadaysan,waana qaybta ugu badan oo la oran karo 90% waa Saxaafada jirta Maanta.
T. Qayb wax fahmi karta balse ku oranaysa..
( Dadkaa jecel waxaan oo aan usoo gudbinaa),kuwan,waxaysan lahayn ku dhac,waxayna carysanayaan oo kaliya helida dad waxooda daawada.
Muhiimadu,waa hogaamiyayaasha Qalinka haya in aysan la waaqici noqon dadka caadiga ah oo aysan ku shaqayn dareenka dadka suuqa taagan ee ay ka sareeyaan,kana duulaan dan Qaran oo ka madaxbanaan caadifad.
