Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida
    Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 25, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxaa socda??

    Xasan?

    Xisaabtu kama khaldana isku darkeeda,waxaase calaamad su’aal saaran tahay natiijada uu ka rabo in ay usoo baxayso.

    Horay,wuxuu uqorshaystay Dastuur,Gudi doorasho iyo Xisbiyo,wuxuuna hal hays ka dhigtay (Dalkan doorasho toos ah buu rabaa).

    Haatan,wuxuu lasoo baxay qorshihiisii Labaad markuu socon waayay kiisii koobaad,kaasoo ah …(Tanaasul ka bixi,wixii aad abaabulatay oo wax ku badalo).

    Shariif iyo Cumar,ayuu isku dayayaa marka in uu usii dhexmaro fulinta qorshihiisii mudo kororsiga.

    Cumar iyo Shariif?

    Xisaabtu kama khaldana oo Labadoodaba Deegaan doorashadooda,waa laga haystaa,Raga ka haystana isma rabaan,Siyaasadana Ragaas,ayaa Geed fadhi u ah.

    Si ay usoo galaan qoobka ciyaarka Siyaasada Somalida ee xiligan una dilaan Raga ka haysta PL iyo KG,waxay la jaanqaadeen Xasan oo la fulinayaan rabitaankiisa.

    Qodobka ugu muhiimsan ee Xasan ka rabo Odoyaashan,waa….

    (Ila dila Deni oo idinkana waxba idinma ogola Ana,waa Ninka kaliya ee Kursigayga khatarta ku ah).

    C&SH Xisaabta ay wataan natiijo kama rabaan ee kaliya iyaga,waxaaba nolol u ah dhaqdhaqaaqyada socda.

    Golaha samata bixinta?

    Odoyaasha ku haray Golaha,waa Mucaaradka rasmiga ah ee Xamar kasoo jeeda oo Xasan wax ku haysta oo Kursiguu ku fadhiyo raba.

    Hal Wadaa ufuran,waa awood in ay diyaarsadaan oo ku hor istaagaan rabitaankiisa oo ay ugu horayso qabashada doorashada Golayaasha Deegaanka Xamar.

    Mw Deni?

    Xisaabtu kama khaldana,sababtoo ah uguma badiso dhawr arimood oo taagan…..

    B. Doorasho dhacda 2026.
    T. Mucaaradka Muqdisho uu taageero.
    J. Mudo kororsiga Xasan oo qayb uu ka noqdo
    X. Xamse oo la badalana uguma badiso.

    Mw Deni,waxay ugu badisaa in uu aamus ka galo ciyaarta socota oo mudnaanta siiyo dagaalka argagixisada,sababtoo ah….

    B. Shacabka PL oo taageeradooda,ayuu sii haysanayaa.

    T. BC taageeradeeda ayuu sii haysanayaa,waxayna u aragta Siyaasiga kaliya ee wax sax ah ka shaqayanaya.

    J. Doorasho 2029 ka dhacda Somaliya oo macno gaar ah uleh isaga,sababo jira awgood.

    Siciid Deni culayska kaliya ee uu wajahayo,waa Xasan oo dagaalka ugu keenay hareeraha PL,kaasna,waa ku filan yahay loolankiisa.

    Dadka qaba PL maxay u aamustay oo usugaysaa in dagaalka loogu geeyo Gurigeeda oo Xasan Gurigiisa Xamar ay ugaga furi wayday furumo,waxaa jawaab u ah Qodobada aan soo taabtay.

    Isku soo wada duuboo Somaliya,waa lays wada gaadayaa,waxaana Waranku ku dhacayaa Ninkii haada Eega.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.