Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo furay Kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,ayaa dul istaagay qodobo muhiim ah oo lagu soo koobi karo…
1-Gudaha PL?
Wuxuu ku dhawaaqay in lasoo afjaray argagixisadii lagula diriray Calmiskaad 11-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Wuxuu ku dhawaaqay in hab cusub oo casri ah loo maamulayo amniga caasimada Garowe si gaar ah.
Wuxuu ku dhawaaqay in la yagleelay santuukha horumarinta Puntland oo casri ah.
Wuxuu ku dhawaaqay in la dajiyay qorshaha horumarinta Puntland ee 2026-2030.
Wuxuu shaaciyay mashruucyada horumarineed ee la fuliyay sida…
B.Wadooyinka.
T.Garoomada.
J.Dekedaha.
X.Biyaha.
Kh.Xanaanada Xoolaha.
D.Adeega Caafimaadka bulshada.
2-Dibada?
Wuxuu bogaadiyay Shirka Ceerigaabo oo uga mahadceliyay Mw Cirro gogosha nabadeed uu dhigay.
Wuxuu cadeeyay in PL muhiimad siinayso nabad kuwada noolaanshaha gudaha bulshadeeda iyo darisyadeeda Somalida kale.
Wuxuu cadeeyay in PL ay weli ku taagan tahay raadinta Dowlad Somaliyed oo ku dhisan hanaanka Fadaraalka.
Wuxuu xaqiijiyay in PL aysan aqbalayn Wadanku in uu galo firaaq sharci oo ay ka shaqaynayso mustaqbalka,iyadoo soo dhawaynaysa cid alaale iyo cidii danaynaysa ka shaqaynta golaha mustaqbalka Somaliyed.
Xaqiiqdii,waxay ahayd khudbada Mw Deni ee furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka mid miisaaman oo gudaha iyo dibada isu dheelitiran laguna soo gudbiyay dareenadii taagnaa ee bulshadu ka rabtay xog iyo iftiimin.
