Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe
    Puntland

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booqashada Axmed Madoobe ee Garowe,waxay muhiim utahay isla Axmed.

    Culaysyadii Villa Somaliya uga imaan jiray mar walba kuwo ka badan,ayuu la kulmayaa xilligan,waxaana sababaya Laba Qodob….

    1. Rw beeshiisa hoose ah oo kasoo horjeeda.
    2. PL oo garabkiisa ka baxday.

    Axmed,wuxuu yaqiinsaday in uusan badbaadi karin Labadaas culays awgood.

    Mudo,ayuu isku dayay in uu la noolaado Xasan iyo Rw ku sidkan,balse ugu danbayn,wuxuu ku qancay in uusan ka badbaadayn,waana ka booday Tareenkii Xasan.

    Kadib Axmed si uu loolanka Villa Somaliya uga guulaysto,wuxuu raadiyay PL,isagoo Geed dheer iyo Geed gaabanba ufuulay helida Deni oo ay ku kala fogaadeen doorashadii Fadaraalka.

    3-Sano dadaal dheer kadib oo awoodo kala duwan door ka qaateen markii ugu horaysay Telefoonka ayay iska qabteen,waana kulmeen.

    Axmed,waa badbaaday oo Villa Somaliya uu uhaysto PL,waa iska caabin karaa.

    PL muhiimada ay ka duulayso oo ay Axmed markii Afraad ugu garabgalayso hogaaminta JL,waa ilaalinta Dhulka iyo Dadka JL oo aan loo hayn ilaa iyo hada cid ka mudan Axmed.

    PL uguma jirto haatan Qodobada hortabinta leh loolanka Xasan,sababtoo ah….

    B. Weli mudo xileedkiisii Sanad baa ka harsan oo lama gaarin wakhtigii la gorgortami jiray.

    T. PL ma rabto Mucaaradka Xasan ee Xamar in ay bakhti afuufto,taa badalkeeda,iyaga ayay udaynaysaa Dhiig baxa hore.

    J. PL oo aaminsan in ay la loolanka Xasan ku filan tahay oo aysan cidna garab uga baahnayn.

    Siyaasada JL,waa in lala dajiyaa Axmed si ay uga badbaado loolanka Xamar uga imaanaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.