Booqashada Axmed Madoobe ee Garowe,waxay muhiim utahay isla Axmed.
Culaysyadii Villa Somaliya uga imaan jiray mar walba kuwo ka badan,ayuu la kulmayaa xilligan,waxaana sababaya Laba Qodob….
- Rw beeshiisa hoose ah oo kasoo horjeeda.
- PL oo garabkiisa ka baxday.
Axmed,wuxuu yaqiinsaday in uusan badbaadi karin Labadaas culays awgood.
Mudo,ayuu isku dayay in uu la noolaado Xasan iyo Rw ku sidkan,balse ugu danbayn,wuxuu ku qancay in uusan ka badbaadayn,waana ka booday Tareenkii Xasan.
Kadib Axmed si uu loolanka Villa Somaliya uga guulaysto,wuxuu raadiyay PL,isagoo Geed dheer iyo Geed gaabanba ufuulay helida Deni oo ay ku kala fogaadeen doorashadii Fadaraalka.
3-Sano dadaal dheer kadib oo awoodo kala duwan door ka qaateen markii ugu horaysay Telefoonka ayay iska qabteen,waana kulmeen.
Axmed,waa badbaaday oo Villa Somaliya uu uhaysto PL,waa iska caabin karaa.
PL muhiimada ay ka duulayso oo ay Axmed markii Afraad ugu garabgalayso hogaaminta JL,waa ilaalinta Dhulka iyo Dadka JL oo aan loo hayn ilaa iyo hada cid ka mudan Axmed.
PL uguma jirto haatan Qodobada hortabinta leh loolanka Xasan,sababtoo ah….
B. Weli mudo xileedkiisii Sanad baa ka harsan oo lama gaarin wakhtigii la gorgortami jiray.
T. PL ma rabto Mucaaradka Xasan ee Xamar in ay bakhti afuufto,taa badalkeeda,iyaga ayay udaynaysaa Dhiig baxa hore.
J. PL oo aaminsan in ay la loolanka Xasan ku filan tahay oo aysan cidna garab uga baahnayn.
Siyaasada JL,waa in lala dajiyaa Axmed si ay uga badbaado loolanka Xamar uga imaanaya.