Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Waxaan la yaabay ujeedada Xasan ka leeyahay iskaashiga dhaqaalaha S&U ?
    Somalia

    Faallo:-Waxaan la yaabay ujeedada Xasan ka leeyahay iskaashiga dhaqaalaha S&U ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan la yaabay ujeedada Xasan ka leeyahay iskaashiga dhaqaalaha S&U ?

    Sidoo kale Danta ku jirta,Cida abaabushay iyo
    Xiliga qorshahan la bilaabay, ileen Xasan wax 90-Cisho ka yar ayuu Madaxweyne yahay?

    Labada Dal malaha Xuduud Bad iyo Dhul Cirkana ma ahan macquul adeegsigiisa,waxaa lagu khasban yahay in isdhaafsiga Ganacsiga Labada dhinac uu sii maro Kenya iyo Masaafo kale oo Wado ciriiriya lasii isticmaalayo.

    Uganda Dal wax soo saar leh ama Warshado leh ma ahan.

    Dad hanti leh oo inta ay yimaadaan Somaliya maalgashi ku samayn kara ma ahan.

    Somali ku samayn karta mashaariic waa weyn oo ay Dadka Uganda shaqo abuur u noqon kara ma jiraan.

    Waxa kaliya ee Somalidu ku filan tahay waa in ay dalkaas u iib geeyaan badeecado wadamo kale laga soo waariday oo aan dalkayaga laga soo saarin.

    Haatan Uganda waxaa ku nool Somali ku filan la ganacsiga Ugandheeska oo maalgashiyo ka sameeyay sida Marwo Aamino oo Warshad Sonkor ah ka hirgalisay,iyadoo horayna u lahayd Ganacsiyo kale.

    Sidoo kale Cumar Faruur Mandela Group,ayaa ka hirgaliyay Warshad Burka soo saarta,isagoo horay u lahaa ganacsiyo kale oo Uganda ka tilmaaman.

    Waxaa kaloo jira ganacsato ka shaqaysatay shidaalka oo dalkaas ku leh Boqolaal Petrol Stations iyo Ganacsato kale oo magalaada Jinja ku leh ganacsiyo ay shaqaale badan u shaqa tagaan.

    Hotelo,Makhaayado, Bakhaaro iyo Ganacsiyo kaloo fara badan oo yar-yar oo Somali leedahay,ayaa iyaguna ka jira Dalkaas.

    95% ganacsatadaas waxay isugu jiraan Somali Ugaandhiis, iyo Somali dhalashooyin kale haysata oo Ganacsigoodu ku diiwaan gashan yahay Baasabooro Ajaanib ah.

    Ilaa hada waa la fahmi la’a yahay isu soo baxa iyo ka qaybgalka loo sameeyay waxa lagu sheegay iskaashiga dhaqaalaha S&U iyo waxa aynu kala faa’di karno?

    Waxa ku hoos qarsoon iskaashiga dhaqaalaha Ugandha iyo Somaliya yaa ka daweyn kara ama ka qancin kara Bulshada Somaliyed??

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.