Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Xasan & Xamse midba kan kale,ayuu haadaan ka tuurayaa oo ka takhalusayaa.!!
    Puntland

    Faallo:-Xasan & Xamse midba kan kale,ayuu haadaan ka tuurayaa oo ka takhalusayaa.!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Damaca waalan ee Xasan Qabri-faagte iyo Doqonimada/Dadnimo la’aanta Marxuumka,waxay sababaysaa in Labada Nin isla degaan.

    Xasan isticmaalka xeerin la’aanta ah ee damiirka iyo Shaqsiyada Xamse isticmaalayo,waxay keenaysaa in xataa la xasuusan waayo in uu Qof jiro yahay Xamse.

    Sidoo kale Doqonimada xad dhaafka ah ee Xamse,waxay sababaysaa in Xasan waayo Qof wax ka qabta oo khaladaadka ka joojiya,sida muuqata.

    Xaqiiqdii Wadanku meel adag,ayuu marayaa,waxaana sii libdhaysa kalsoonidii yarayd ee dhisantay.

    Dalku,wuxuu usii kala jajabayaa Qaybo oo horay SL,ayaa gaar unoqotay,waxaa si aan ku talagal ahayn usii tagaysa PL,waxaa iyaguna noqon doona Qaybo kale JL iyo KG.

    Khatarta ugu weyn ee nasoo wajahaysa,waa marka Quwadaha Shisheeye ee Danaha naga leh ay ku qancaan in ay si gaar gaar ah Danahooda nooga fushadaan.

    Itoobiya oo ay gadaal ka taagan yihiin Israa’iil iyo Faransiiska,waxay aad ugu mashquulsan tahay helida Saldhig Milleteri dhanka SL,hadaan la helin Qaran Somaliyed oo la macmiila,waxay ku dhiiranayaan SL oo ay gaar ula macaamiilaan.

    Sidoo kale PL,waxaa toos ula macmiila Quwado Dano waa weyn leh mar walba oo ay kusii qancaan in ay adag tahay helida DFS oo ay la macmiilaan,iyaday sii xoojinayaan la macmiilkeeda.

    JL,waxay kusii siqaysaa in ay noqoto Deegaan hoos jooga Kenya iyo Itoobiya oo si dadban looga xukumo.

    KG iyo Oromada,way isqaadanayaan hadaan la helin DFS oo masuul ah.

    Isku soo wada duuboo Somaliya xili kala Goys adag oo la mid ah markaad Taariikhaha akhriso Jabab ku dhacay Boqortooyooyin iyo Qowmiyado awood iyo saamayn lahaa ayay maraysaa.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.