Shirkii Carta,waa jabkii Labaad oo ku dhacay Somalida,marka laga soo tago burburkii 1991-dii.
Geelle wax macno leh oo Maanta loogu hakado kuma soo kordhin Somalida,waxaana ka mudan oo ay tahay in la maamuuso loona mahadceliyo shacabka iyo maamulka Kenya.
Carta?
1.Halka ay ka timid Nidaamka 4.5 ee Somalida kala saraysiiyay kalana qaybiyay
2.Halka ay ka timid bartilmaameedsiga Beelo gaar ah oo Somaliyed.
3.Halka ay ka timid la dagaallanka nidaamka fadaraalka ah.
Maamulkii lagu soo dhisay Carta,waa saqiiray,wuxuuna ku gabagaboobay Guri ka mid ah Guryaha Xamar ee caadiga ahโฆโฆ.
B. Ma fariisan Villa Somaliya.
T. Ma samayn Dastuur.
J. Ma samayn siyaasad amni.
X. Ma dhisin Ciidan.
Kh. Ma dhaqaajin siyaasad gudo.
D. Ma dhaqaajin siyaasad dibadeed.
R. Ma yagleelin haykal nidaam.
S. Ma soo celin haybadii Qaran.
Sh. Ma dhaqaajin Aas-aaskii Maamul.
Madaxweynihii Maamulkii Carta lagu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan,waxaa lagu xasuustaa in uu Korontada udiiday in ay ka jiitaan Guryihii la dariska ahaa Gurigii u ahaa Madaxtooyada oo dabakha kore markuu fuulo,ayuu amri jiray in Matoorka la damiyo si uu u arko Guryaha la damaya.
Imbagaati?
Maamulka wax dhaqaajiyay ee salka unoqday Jamhuuriyada hada shaqaysa ee Somaliyed,waa kii lagu soo dhisay Imbagaati Kenya.
Maamulkaas oo uu hogaamiyay markii ugu horaysay Mw Cabdullaahi Yuusuf oo ay iskaga danbeeyeen Sadex Madaxweyne oo kale,waa kii hirgeliyayโฆโฆ
B. Furay Villa Somaliya.
T. Dib udhaqaajiyay haybadii Qaran.
J. Dib u hawlgeliyay Ciidamadii.
X. Dib udhisay haykalkii Nidaam.
Kh. Dib udhaqaajiyay siyaasadii dibada iyo gudaha.
D. Dib usoo ceshay muuqashada Calankii iyo Madaxdii Qaran ee masraxyada caalamka.
S.Dib iskugu furay Wadanka oo Kismaayo ilaa Bosaso Gacanta ku qabtay.
Sh.Dib ula diriray argagixisada oo ka saaray caasimadii Xamar.
C.Sameeyay Dastuurka kmg ah.
G. Ka saaray Dalka kmg oo ka dhigay Dowlad rasmi ah.
F. Ku qabtay doorashadii gudaha dalka.
Q. Dhamaystiray nidaamka fadaraalka ah.
Madaxweynihii ugu horeeyay Cabdullaahi Yuusuf ee Maamulkii lagu soo yagleelay Imbigaati ee saldhiga unoqday Jamhuuriyada 3-aad,waxaa lagu xasuustaa in uu diiday maamulkiisii in uu dajiyo deegaamadii uu kasoo jeeday lagana dhaxlay Madaxtooyadii Qaran oo furan,hay’adihii Maamul oo mid walba xaruntiisa ku hawllgalayo iyo Dekeda iyo garoonkii Xamar oo shaqaynaya.
