Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faarax Cali Shire oo shaaciyay inuu taaganyahay Qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland 2019
    Somalia

    Faarax Cali Shire oo shaaciyay inuu taaganyahay Qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland 2019

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 17, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    BOOSAASO,(IDILNEWS)- Murashaxa Madaxweynaha Puntland ee 2019 Faarax Cali Shire ayaa maanta Daahfuray Ololihiisa Doorashada, wuxuuna si rasmi ah u iclaamiyay inuu u taaganyahay qabashada xilkaas
    Munaasabad ka dhacday xarunta Nasashada ee Rays oo ay kasoo qaybgaleen, Siyaasiyiin, Isimo, Culimaa’udiin, waxgarad, haween iyo Dhalinyaro ayaa murashaxu kaga hadlay waxqabadkiisa iyo Barnaamijkiisa siyaasadeed.
    Faarax Cali Shire ayaa shaaciyay inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, Garsoorka, Dhismaha ciidanka, hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda, la dagaallanka Musuqa iyo hormarinta adeegyada asaasiga ah gaar ahaan; Caafimaadka iyo Waxbarashada.
    “Safaradda aan dalka dibadiisa ku tegey, xog-ogaalnimada iyo aqoonta aan u leeyahay Puntland dal iyo dibadba waxay i siinayaan awood iyo kalsooni aan Puntland wax kaga qaban karo, oo dib-u-dhis iyo dib-u-habayn ugu samayn karo,” ayuu yiri Faarax Cali Shire.
    Faarax Cali Shire wuxuu sheegay in hadii uu xilkan ku guulaysto inuu Puntland wax badan ka qaban doono islamarkaana uu dib u habayn ku samayn doono nidaamka hadda oo uu ku sifeeyay Madax ka nool, wuxuuna xusay inuu shaqo abuur u samayn doono dhalinyarada, sidoo kale mushaharka u kordhin doono ciidamada iyadoo laga dhaafayo canshuuraha laga qaado.
    Murashaxa ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu dhammaystiri doono mashaariicda muhiimka ah ee hadda qabyada ah gaar ahaan; Wadada Ceel-daahir, Eyl iyo Dangoroyo, Garoonka Galkacyo, Wadada Kalabayr – Qandala – Caluula iyo ballaarinta Dekedda Bosaaso.
    Khudbadda Murashaxa oo aad u dheerayd wuxuu kaloo kusoo hadal qaaday dowladda iminka talada haysa gaar ahaan Madaxweyne Gaas oo uu sheegay in xukuumaddiisu ahayd fadhiid aan waxba qaban, wuxuuna ugu baaqay in mudada u harsan uu ku diyaariyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho.
    Dhinaca kale qaar kamid ah Siyaasiyiintii kasoo qaybgalay kulanka oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa bogaadiyay murashaxnimada Faarax Cali Shire.
    Waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo Isimadda soo xulaya Xildhibaanada inay soo saaraan dad aqoon leh oo waddanka u horseedi kara hogaamiye waxqabad leh.
    Faarax Cali Shire oo horay usoo noqday wasiirkii Maaliyadda xukuumaddii hore ayaa muddo ku sugnaa magaalada Bosaso halkaas oo ay soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyeen shacabka degmada iyo guud ahaan gobolka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.