Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fadaraalku xal ma uyahay Somalida kala fogaatay?
    Somalia

    Fadaraalku xal ma uyahay Somalida kala fogaatay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 30, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Fadaraal maxaa keenay?

    Waxaa keenay markii lagu khasaaray oo laysku dhibaateeyay Dowladnimadii ahayd…

    1.Halka Xaafiis.
    2.Halka Qof.
    3.Halka Magaalo.

    Fadaraal maxaa loo qaatay?

    Waxaa loo qaatay Sadex Qodob dartood,kuwaasoo kala ah…

    1.Si Somali layskugu hayo.
    2.Si Dowladnimadu udaadagto.
    3.Si Adeegyada muhiimka ah ugaaraan Bulshada oo idil.

    Fadaraal maxaa laga faa’iday?

    Waxa laga faa’iday Sadex Qodob,ayaa lagu soo koobi karaa,kuwaasoo kala ah..

    1.In Somalidii gooni goosadka ahayd ee ka carartay Dowladnimadii halka meel taalay lagu xakameeyo oo la tuso in ay jirto Wado kale oo lagu wada joogi karo.

    2.In Somalidii dhibsatay awoodii halka Gacsn ku jirtay lagu qanciyo in aysan fogaan oo la tuso waxay ku qanci karaan oo Jamhuuriyad Somaliyed lagu sii wada ahaan karo.

    3.In Dowladnimada iyo Qaranimadu aysan burburin hal mar,balse ay jiri karaan Nidaamyo Somaliyed oo sii shaqayn kara waxna badbaadin kara hadii Caasimada ama Dowlada Dhexe ay fashilanto.

    Fadaraalka malagu Barwaaqoobay?

    Waa lagu barwaaqoobay oo waxaa tusaale la taaban karo loosoo qaadan karaa Puntland oo Dhulkii Gasri waa la oran jiray Maanta waa Barwaaqo sooran loosoo shaqo tago.

    1.Sadex Garoon Diyaaradeed oo caalamiya,ayaa ka jira.

    2.Laba Dekadood,ayaa ka jira.

    3.Sagaal Jaamacadood,ayaa ka jira.

    4.In ku dhow 5-Milyan oo Qof,ayaa ku nool.

    Fadaraalka yaa diidan?

    Waxaa diidan Labo Qolo oo kala ah…

    1.Shabaab oo u arka in fikradooda xagjirnimada uu khatar ku yahay.

    2.Dadka kasoo jeeda Beelaha aan kaligood buuxin karin Hal Gobol ama Hal Maamul Goboleed oo u arka in ay uga sad bursi badan tahay awoodii halka Xaafiis taalay.

    Fadaraalka yaa qaatay oo Somalida U Eg?

    Waxaa qaatay oo tusaale loosoo qaadan karaa meelo badana ay Somalida iskaga eg yihiin Dowlada Imaaraadka Carabta oo aan isku dhaqan dhow nahay Diintana aan wadaagno.

    1.Imaaraadka Dadkiisu waa isku Sinji.
    2.Imaaraadka Dadkiisu waa isku Af.
    3.Imaaraadku Dadkiisu waa isku Diin.
    4.Imaaraadka Dadkiisu waa isku dhaqan.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.