Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Fadhiga 15-Aad Ee Golaha Wakiilada PL oo si habsami leh usocda
    Puntland

    Fadhiga 15-Aad Ee Golaha Wakiilada PL oo si habsami leh usocda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: Luuliyo 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-baddelka xeerka Warbaahinta Puntland.
    Ugu horeyn Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqanka oo wax-ka-baddela akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay.

    Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, dhiiri-gelinta & horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ku dhaqanka diinta islaamka, ilaalinta wadaniyada iyo danaha guud, xakameynta naceybka, sumcad dilka iyo been abuurka ee baraha bulshada.

    Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, iyadoo Goluhu ka shaqeeyey ilaa 6-qodob oo xeerkan kamid ah.

    Dhanka kale, Golaha Wakiillada aya fadhigoodii maanta ku meel mariyey soojeedin codsi oo ka timid Guddiga Shuruucda & Cadaaladda Golaha Wakiillada taas oo la xiriirta dib-u-dhigis wax-ka-badelka xeerka Qareennada Puntland.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.