Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Falaqayn doorashada Galmudug
    Somalia

    Falaqayn doorashada Galmudug

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 17, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Doorashada guddoonka baarlamanka ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb waxaa lagu fasiri karaa sida tan…

    Dhanka Dr. Gacal

    1. Dr. Gacal wuxuu muddo 8 bilood ah ka shaqeynayay campaign kiisa Galmudug, isagoo lagu daray Guddigii Dibu Heshiisiinta, kadibna wuxuu la shaqeynayay madaxda Dowladda kuwaas oo xoog iyo xoolo (1 malyan dollar) wixii ay hayeen isugu geeyay. Sidaas oo ay tahayna 9 cod (50%+9) ayuu uga adkaaday wiil 3 maalmood kaliya olole ku jiray, cid taqaannana aysan jirin.

    2. Codadka uu Gacal helay waxay isugu jireen kuwa dhanka Ahlu Sunna ka yimid oo lagula heshiiyay in ku xigeenka koobaad lala dhisi doono. Kadibna waa looga baxay.

    3. Xildhibaanada Galmudug oo diyaar aan u ahayn in saami qaybsiga beelaha la qaldo guddoomiyaha baarlamaankana la dhaafsiiyo Beesha Murusade. Taas oo loo arkayay in ay halis galin laheyd awood qaybsiga beelaha Galmudug. Mucaaradka waxay aheyd inay qof kale oo Murusade ah soo sharraxdaan.

    4. Gacal wuxuu ahaa musharrax ku habboon xilka uu raadsaday marka la eego aqoontiisa durugsan iyo khibraddiisa dheer. Aad ayuu uga magac weynaa ninka la tartamayay oo magiciisa iyo muuqiisaba aan la aqoon.
    Dhanka Ahlu Sunna.


    Doorashada guddoomiye ku xigeenka koobaad waxaa kasoo baxday in Ahlu Sunna heli karto 29 cod oo isku duuban, taas oo ah 30%. Balse in tiradaasu aaney waxba u goyn. Sadaq Sh. Yusuf Direed, oo ah seeddiga Macallin Maxamud, ayay ku xigeenka koobaad ka dhigi waayeen. Marka ASWJ waxaa looga tashanaa xoog cid kale dhisi kara, balse aan is dhisi karin.


    Gudoomiye ku xigeenka 2-aad:

    Tartanka guddoomiye ku xigeenka labaad oo ahaa midka ugu kulul waxaa lagu jabiyey murashixii Dowladda, waxayna guushu ku raacday Fadumo Faandhe oo aheyd murashax ay riixayeen mucaaradka iyo ASWJ oo careysan. Mar kale, waxaa meeshaas kasoo baxday in baarlamanka Galmudug uu mar walba dooranayo qofka mudan kursiga. Fadumo Faandhe waa gabar warbaahinta muddo kasoo shaqeysay, lehna taageerayaal badan iyo aqoon.


    Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee soo socota’


    1. Saddexdii doorasho ee maanta dhacday waxaa mid walba ku tartamayay 2-qof, taasoo koobtay khiyaarka xildhibaannada.

    2.Doorashada Madaxweynaha waxaa ku tartamaya 5 murashax, codkuna wuu kala baahi doonaa wareegga koobaad, waxaana wareegga labaad u gudbaya saddexda musharrax ee ugu codadka badan (Qoorqoor, Odowaa iyo Kamal)


    3. Wareegga saddexaad waxaa WASHAMSI lagu qaadi doonaa musharraxa Dowladda (Qoorqoor) oo wareegga labaad geli doona kaalinta 1-aad ama 2-aad. Waxaana WASHAMSIGAAS ka faa’iideysan kara murashaxa u soo gudba wareega sadexaad. Saadaashuna waxay muujineysaa inuu Kamaal Guutale noqonayo murashaxaas

    @Said Gooshe

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.