Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo iyo Khayre oo isbaaro dadban u dhigtay kulankii Baarlamaanka ee Maanta
    Somalia

    Farmaajo iyo Khayre oo isbaaro dadban u dhigtay kulankii Baarlamaanka ee Maanta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Gudoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.
     
    Arrintan ayaa timid kaddib markiii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tagalay inuu ku furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka.
     
    Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, oo jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano yimid haddana aan saxiixin buuga taasina ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.
     
    Ciidamo milateri iyo boolis isuga jira ayaa la soo dhoobay waddoooyinka muhiimka ah ee magaalada iyadoo inta badan waddooyinkuna ay xirnaayeen maanta.
     
    Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeeyay xukuumadda in taasi ay uga gol-laheyd in xildhibaannada ay u suurageli wayso inay yimaadaan dhismaha baarlamaanka.
     
    Sidoo kale weriyayaasha ayey ku adkaatay inay tagaan dhismaha baarlamaanka kaddib markii ay saameyn ku yeelatay waddooyinka xiran.
     
    Waxaa lagu waday in maanta ay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ka doodaan go’aankii 6-dii bishan ka soo baxay golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
     
    Xildhibaanada Soomaaliya ayaa arrintan si weyn ugu kala ra’yi duwan, iyadoo qeyb ka mid ah xildhibaanadu ay taageersan yihiin go’aanka xukuumadda oo ay sheegeen inay aheyd tallaabo sax ah halka kuwa kale ee ka soo horjeeda ra’yigaasna ay go’aanka Golaha Wasiirada ku tilmaameen inuu ahaa khiyaamo qaran.
     
    Arbacadii ayey aheyd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay si aqlabiyad ah ku go’aansadeen in dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga.
     
    Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab uuna ka tirsanaa ururuka ONLF.
     
    Goluhu waxa uu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.