Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo iyo Xayn Wasiiradiisa ah oo Fadeexad musuq dhex fadhiya!!
    Somalia

    Farmaajo iyo Xayn Wasiiradiisa ah oo Fadeexad musuq dhex fadhiya!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADA XILGAARSIINTA ROOBLE OO UU WARIYE KANADA U DHASHAY UU KU CADEEYAY MUSUQ INUU UU KU KACAY, KA DIBNA WARYIHII CADEYBTA KEENAY & URURO KU EEDEEYEY “SHIRQOOL LA RABO IN LAGU DILO”

    Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada DFS Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ku eedeeyey Jay Bahdur & urur aan dowli aheyn oo fadhigiisu yahay Switzerland iney jabsadeen Email-kiisa isla markaana qorsheynayaan iney dilaan.

    Hay’addan ayaa wada baaritaano ku saabsan kaluumeysiga sharci darrada ah ee laga sameeyo xeeebaha Badweynta Hindiya dalka Somaliya & in Wasiirka ka mid yahay dadka dhacaaya kheyraadka dadka Somaliyed sida lagu daabacey jariidada Nation ee ka soo baxda dalka Kenya.

    Xayir ayaa waydiistey Maxkamad ku taal dalka Kenya iney soo saarto amar ay kaga joojineyso Jay Bahdur & hay’adda la dagaalanka dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah “Global Initiative against Transnational Organised Crime (Giato)” iney baaraan kaluumeysi sharci daro ah ee ka dhacey xeebaha Somaliya kuwaas oo lagu soo eedeeyey in wasiirku qayb ka yahay.

    Wasiiru dowlaha ayaa dhexda kaga jirey baaritaano Jay Bahdur ku sameeyey shirkad la yiraahdo “North East Fishing (Nefco)” taas oo ka mid ah kuwa ugu badan oo Kalluunka dalka Somaliya u dhoofiya dalka Shiinaha.

    NEFCO oo la shaqeysata shirkado Kalluumeysi oo dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa Bahdur baaritaankiisa ku xusay in inta badan Kalluunka si sharci darro ah ku qabsadaan iyagoo taageero ka helaya saraakiil sare ee ka tirsan dowlada Federaalka Somaliya.

    Bahdur & hay’adda Giato ayaa baaritaano ku wada koox saraakiil Soomaali ah kuwaas ay ku tuhunsan yihiin iney gacan-siinayeen shirkad NEFCO oo muddo soddon sano ah ku jirtey ka ganacsiga Kalluunka.

    Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada ayaa sida Jariidada Nation daabacdey, dacwadiisa ku gudbiyey in Jay Bahdur & Giato ay jabsadeen email-kiisa isla markaana kala baxeen xoggo muhiim ah kuwaas oo ay u isticmaaleen warbixintooda, waxaana uu doonayaan in Maxkamada sare ee Kenya soo faragliso. Xayir ma uusan xusin sababta Somaliya dacwadaan uga xereyn waayey.

    Maxamuud Xayir ayaan beenin eedeymaha la xiriira inuu ku lug lahaa Kalluumeysiga sharci darrada ah, balse ku dacwoonaya in kaalinta uu ku lahaa arimaha la xiriira soo saarista ruqsooyinkaan in lagu heley si sharci daro ah maadaama email-kiisa la jabsadey.

    Inta badan saraakiisha lagu xusey warbixinta “Giata” & xiriirka ay leeyahiin shirkada la yiraahdo “China Overseas Fisheries Association” kama aysan jawaabin eedeymahaas. Isku dayo la doonayay in xiriir toos ah lagula sameeyo ayaanan gabi ahaanba guuleysan.

    Farmaajo ayaa si sharci darro & Musuq Maasuq ah ku bixiyey shatiyo badan oo galay heshiisyo sharci darro ah oo shisheeye ay ku boobayaan Kalluunka badda Dalka Somaliya & kheyraadka dadka Somaliyed, mana jirto hal hay’ad oo la xisaabtameysa sida muuqata.

    Kalluunka sida sharci darrada ah looga jilaabto/dabto badda dalka Somaliya waa kheyraadka dadka Somaliyed, waxaa dilaal ka qaata Wasiir Bidhaan, Wasiir Xayir, Wasiir Jamaal & Xaaskiisa Hodan & Farmaajo. Sidoo kale waa shabakad tuugo ah oo isku xiran oo shisheeye u dhacay kheyraadka dadka Somaliyed.

    Rooble oo ay ka tirsan yihiin xukuumadiisa wasiiradan tolow muxuu ka qaban? Mise shabakada maafiyada ayuu ku biiray oo saami ku yeeshay? Hanti Dhowraha Qaranka kama hadal dhaca & boobka loo geysanayo kheyraadka dadka Somaliyed.

    Omar Abrar
    04/08/2021

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.