Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo oo ka hor yimid cayrinta Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya
    Somalia

    Farmaajo oo ka hor yimid cayrinta Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DOWLADDA FEDERAALKA WAXAY BOGAADINEYSAA DAWRKA MIDOWGA AFRIKA EE NABADEYNTA SOOMAALIYA

    Muqdisho, 07 Abriil, 2022: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dawrka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo qeybta libaax ee ay ka soo qaateen dowlad dhisidda Soomaaliya iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada.

    Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka.

    Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana tallaabo u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.

    Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

    Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.

    Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin.

    Dalkeennu wuxuu ku jiraa xilli ay doorashadu gabogabo marayso, ayna lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.

    Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka.

    Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
    Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.