Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo oo si liidasho ka muuqato amaan ugula dul dhacay Abiy.
    Somalia

    Farmaajo oo si liidasho ka muuqato amaan ugula dul dhacay Abiy.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2022Updated:February 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ah dhamaadey Maxamed Farmaajo oo ku matalaya Somaliya Meertida 35-aad Midowga Afrika,ayaa si weyn ugu mahad celiyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya.

    “Waa kaaga mahadcelinayaa Walaal Abiyoow soo dhaweyntaada diiran adiga iyo dadkaaga Geeska Afrika ee cajiibka ah”Ayuu yiri Farmaajo.

    “Mar horeba waa ka faaidaysanay hadaan nahay Somalida isdhexgalka ganacsi oo waxaan nasiib uyeelanay Laba duulimaad oo diyaarada Itoobiya ah maalin walba”Ayuu yiri Farmaajo markale.

    Ugu danbayn waxuu kusoo afmeeray hadalkiisii mahadnaqa ahaa Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaadey ee Farmaajo..

    “Anigoo og hamigaaga balaaran,waxaan ku rajo weynahay in Jiilkeena xiga ay midoobi doonaan oo ka faa’idaysandoonaan”.

    Amaanta Farmaajo waxay Dad badan u arkaan mid xaqiiqda aan ku fadhiyin oo kaliya ku salaysan jacaylkiisa.

    Hadalka Farmaajo,waxuu kaloo xoojiyay fikradii Abiy ee ahayd in Qaramo ahaan la mideeyo Somaliya iyo Itoobiya.

    Farmaajo hab hadalkiisii markii uu ku guda jiray umahadnaqiisii Abiy,waxaa laga dheehan karay diciifnimo iyo bahdil,waxuuna dirayay fariin khaldan oo oranaysa Somaliya.(Waa Gobol liita oo hoostaga hogaaminta sharfan ee Abiy).

    Farmaajo,waxuu ku dadaalayay in uu raaligeliyo Qalbiga Abiy kana farxiyo,balse ma ilaalin qabka Qaranimada Somaliya.

    Abiy,waxuu hogaaminaya dal ku jira dagaal sokeeye oo ba’an oo kala bar Dadkiisu Gaajo la ildaran yihiin,Sadex meelood oo meelna ay barakaceen.

    Abiy waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha aadka ugu xadgudbay xuquuqda bini’aadamka.

    Sidoo kale Abiy hogaamintiisii Itoobiya,waxaa ku burburay dhaqaale xoog badan oo koboc weyn samaynayay iyo awood Ciidan.

    Abiy gudaha Somaliya,waxuu ka fuliyay gaboodfalyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka iyo Qaranimada Somaliya.

    Source:-https://fb.watch/a-Vg7aUvkX/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.