Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fursadii ugu danbaysay Ee lagu badbaadin lahaa dagaalka Idib oo fashilantay
    Somalia

    Fursadii ugu danbaysay Ee lagu badbaadin lahaa dagaalka Idib oo fashilantay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku gacan seyray xabad joojinta uu Turkiga codsaday si looga hortago in uu dhiig ku daato waqooyiga Suuriya.
     
    Shirka saddex geesodka ahaa ee maanta dhacay ayuu Mr Putin ka sheegay in Ruushka uu sii wadi doono dagaalka uu kula argagixiada ku sugan gobolka Idlib.
     
    Idlib ayaa ah goobta kaliya ee ku soo hartaya gacanta kooxaha mucaaradka, waxana ku nool dad gaaraya ku dhowaad Saddex milyan oo qof.
     
    Ciidamada milatariga Suuriya oo ay taageeraan Ruushka iyo Iiraan ayaa isu diyaarinaya in goordhow ay dagaal xooggan ku qaadaan gobolkaasi.
     
    Shirkaan saddex geesoodka ah ee ka dhacay magaalada Tehran ayaa loo arkayay in uu yahay fursaddii ugu dambeeysay ee lagu joojin lahaa dagaal ka dhaco gobolka Idlib.
     
    Suuriya ayaa la daalaa-dhacaysay dagaal sokeeye tan iyo sandkii 2011-kii,kadib markii ay biloowdeen mucaarad iyo dibadbaxyo oo aan khalalaase wadan oo looga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Assad, kuwaasi oo markii dambe isku bedelay dagaal ay ku dhinteen in kabadan 350-kun oo qof.
     
    Turkiga- waxa uu muddo dheer taageera siinayay kooxaha mucaardka sababtoo ah waxa uu ka cabsanayaa in qaxooti badan oo kale ay ku soo qaxaan soohdimihiisa.
     
    Madaxweynaha Turkiga ayaa dhigiisa Iiraan iyo Ruushka u sheegay in aysan doonayn in gobolka Idlib uu isku bedelo goob dhiigga lagu daadiyo.
     
    Haseyeeshee, Ruushka iyo Iiraan ayaa xulafa la ah madaxweynaha Suuriyaa Bashar al-Assad, waxa ayna sheegeen in ay khasab tahay in kooxaha jihaad doonka ah ee ku sugan Idlip gabi ahaanba laga sifeeyo gobolka.
     
    Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kumanaan dagaalyan oo Iiraaniyiin ah ayaa milatariga Suuriya ka caawiya weerarada ay ku qaadaan goobaha ay ka taliyaan mucaaradka.
     
    Waxa uu gobolka isku xiraa waddooyinka waaweyn ee mara waddanka Suuriya marka haddii dib looga qabsado mucaaradka waxa ay ku tahay dhabar jab weyn sabatoo waxa ay ku sooo harayaan goobo yar-yar oo kala fog.
     
    Waxaa la aaminsanyahay in ilaa 30,000 oo isugu jira mucaardka iyo kooxaha jihad doonka ay ku sugan yihiin gobolka Idlib, balse dadka badankoodu waa shacab.
     
    Qaramada midobay ayaa sheegeysa in gobolka ay ku noolyihiin ilaa 2.9 milyan oo shacab ah oo ay ka mid yihiin milyan caruur ah.
     
    In ka badan nus malyuun qof ayaa ka barakacay guryohooda.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.