Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo Magaalo muhiim U ah Ganacsiga iyo isku socodka Geeska Africa
    Somalia

    Gaalkacyo Magaalo muhiim U ah Ganacsiga iyo isku socodka Geeska Africa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 21, 2017Updated:December 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo oo ay saamayn xoog leh ku yeesheen colaadiihi sokeeye ee Somaliya ka bilawday 1991 iyo ka horba waxay hada u muuqataa mid si weyn usoo kabatay.

    Gaalkacyo maanta waa magaalada afraad ee ugu balaaran guud ahaan Somaliya,isla markaana waa magaalada labaad ee Ganacsiga Puntland.sidoo kale waxay ahmiyad gaar ah uleedahay Puntland.

     

     

    Waa magaalo ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu faraha badan Puntland kuwaasoo lagu qiyaaso lix ilaa Todobo boqol oo kun oo qof.

    Waa magaalo ay iskuulada udareeraan ugu yaraan Lixdan kun oo arday kuna yalaan Iskuulo Waxbarasho oo heerar kala duwan leh oo gaaraya qiyaastii 24-iskuul.

     

     

    Gaalkacyo waa magaalada labaad ee ay canshuurta ugu badan uga soo xarooto Dowlada Puntland.

    Gaalkacyo waxaa wax weyn taray oo dib usoo kabashadeeda saldhig u ahaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Jeneral Caydiid,

     

     

    Inkastoo heshiiskaas wax weyn taray hadana sanadihii udanbeeyay waxaa ka dhacayay colaado keenay qax dhawr jeer ka dhacay magaalada oo dad badan ka saaray guryahoodii,arday badana ka kala jaray waxbarashadoodii, ganacsigana jug weyn gaarsiiyay.

    Ilaahay mahadii maanta Gaalkacyo waxaa ka socda dadaal xoog leh oo lagu xoojinayo amaanka oo ay isla wadaan Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,

    Waxaa sii xoogaysanaya wada shaqaynta labada maamul,waxagaradka,Culumada, iyo Ganacsatada.

     

     

    Waxaa la dhisay Ciidan Boolis ah oo ka kooban labada dhinac kuwaasoo hada gaaraya 250-askari,kana shaqayn doona si wada jir ah xoojinta amniga.

    Waxaa ka dhashay Gaalkacyo dhalinyaro iskood isku abaabulay,kuwaasoo bilaabay ka shaqaynta adkaynta amaanka,isku xirka bulshada,ka hortaga colaadaha ka shaqaynta bilicda iyo horumarka magaalada.

    Isku soo wada duuboo shacabka Mudug waxay umuuqdaan kuwa gaari doona rajadoodii ahayd Gaalkacyo oo nabad ah noqotana magaalo muhiim u ah ganacsiga iyo isku socodka Geeska Africa.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.