Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Galkacyo oo laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS)
    Puntland

    Galkacyo oo laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 3, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Maaliyadda Puntland Gobolka Mudug Xarunteeda Galkacayo, ayaa Maanta laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) oo loogu tala galay in loo isticmaalo Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.

    Tababarkan oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwa cashuuraha ee kastamada Gobolka Mudug ee garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf ee Gaalkacyo, kastamka dhexe ee gobolka, Kastamka Xarfo, Daarusalaam iyo Furddada Dekeda Garacad.

    System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) ayaa ah mid looga guirayo cashuurahii lagu qaadijiray gacanta oo warqadaha lagujarijaray waxaana Xafladda daah-furka ka soo qayb galay shaqalaaha kastamadda Gobolka, Madaxada Kastmada iyo madax ka socotay Wasaarada Maaliyadda Dowladda waxaana ka mid ahaa Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Furdooyinka , Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Mudug iyo Mas’uuliyiin kale.

    Maxamuud Cabdulaahi Cali Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Mudug oo ka hadlay Daah-furka Barnaamujkan ayaa sheegay in ay u mahad celinaayaa shaqaalihii ka soo qayb-galay tababarka, kuna booriyey in shaqada sida ay tahay loo qabto shacabka cashuur bixiyaha ahna loogu shaqeeyo hufnaan.

    Khadar Barre Maxamed oo ka tirsan Xafiiska ICT-ga Wasaaradda Maaliyadda oo bixinaayey tababarkan ayaa Shaqaalaha urajeeyey in ay ka faa’idaystaan tababarkan.

    Barnaamujkan System-ka Puntcas-ka Waxaa lagu baran doonaa Maalmaha soo socda, sida loo diyariyo Declaration Form-ka Badeecaddaha iyo casharo kale oo la xiriira System-ka PuntCas-ka.waana Barnaamij horey looga hirgaliyay Kastamada Puntland kaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah:

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.