Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gama’diidna maynaga baxay! W/Q Wasiir Ashkir Nuur
    Somalia

    Gama’diidna maynaga baxay! W/Q Wasiir Ashkir Nuur

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 25, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Geeridu waa xaq, san-ku-neefle walbaa maro, mar bayse kadis kugu noqotaa ood ka naxdaa, murugo iyo tiiraanyo ku dhaxalsiisa, waa tay Soomaalidu horey u tiri: geeri aqoon bay kugu dishaa!

    Subaxaan saaka ah, waxaan ka warhelay in Ismaaciil Diiriye Gama’diid – oo ahaa wasiirkii degaanka iyo beeraha dowladda Puntland- geeriyooday, ka dib markuu haleelay xanuunkii safmarka ahaa ee Karoona, dhimashada “Gama’diid” waxay iiga dhigantahay: udub-dhexaad iyo tiir adagoo ummadda Soomaaliyeed lahayd oo dumay, shakhsi eebbe ku galladay aqoon iyo dabci-wanaag in uu galbaday.

    Muddaba, Ismaaciil Gama’diid, wuxuu la il-darnaa xanuunka Covid-19, xaaladdiisa caafimaad dhaqaatiirtu way la tacaashay markii hore, markay xaaladdisu sii xumaatayna, dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u kiraysay, oo iminka wuxuu ku dhintay isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Muqdisho.

    Aqoontaan “Gama’diid” u leeyahay waa mid kooban, oo muddo dhawr bilood ah ayaanu ka wada tirsanayn golaha xukuumadda ee dowladda Puntland, waxaanse ku bartay inuu ahaa sama-talis saxar-diid ah; indheer-garad aqoon- dhaari ah, ruux kulansaday waayo-aragnimo shaqo iyo mid kaloo ay noloshu bartay.

    Ismaaciil “Gama’diid” wuxuu dugsigii sare kaga baxay magaalada Gaalkacyo 1975-kii, isagoo dhigtay dugsiga “Cumar Samantar” muddo kooban ayuu macallinnimo ku shaqeeyay, dabadeedna wuxuu ku biiray kulliyaddii “Lafoole” isagoo bartay cilmiga “Biology-ga”.

    Markuu dhamaystay heerka koowaad ee Jaamacadda ayaa dowladdii Soomaaliya u dirtay dalka Ingiriiska si uu takhasuskiisa u soo dhamaystirto, wuxuu ku biiray Jaamacadda caanka ah ee “Oxford University” wuxuuna dhigtay cilmiga daaqa iyo bii’adda ( Environment) isagoo ku takhasusay dhirta nooca loo yaqaan “Acacia” geedka Soomaalidu u taqaan “ Galoolka” buuna cinwaankiisii qalin-jabinta heerka labaad ee jaamacaddiisu ahaa.

    Sannaddii 1988-kii ayaa “Gama’diid’ loo magacaabay agaasimaha wakaaladda daaqa qaranka Soomaaliyeed “Somali Range Agency” waana halka uu sumcadda fiican ku yeeshay oo saaxiibbo fara badan ku kasbaday.

    Qaran-jabkii ka dib, Gama’diid wuxuu u qaxay dalka aan dariska nahay ee Kenya, bilowgii sagaashameeyadii Ismaaciil Gama’diid wuxuu ku jiray rag wax ka dhisay jabhaddii (USB).

    ismaaciil Kenya kuma hakan ee waxa uu mar labaad isagoo qaxooti ah galay dalka “New Zealand” halkaas oo uu ka dhisay dallad kulmisa muslinka dalkaas, isagaana guddoomiye u noqday, ilaa iminkana waxay muslimka dalkaasu ku dhaqmaan xeerarkii iyo tubtii uu ku hagay “Gama’diid” raad lama ilaawaan ah ayuu “Gama’diid” ku reebay muslinka dalka New Zealand.

    Muddo sanado ah ka dibna, Ismaaciil “Gamadiid” wuxuu u wareegay oo dagay dalka “Australia” saaka mar aan la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas way murugaysnaayeen oo ay ilmadu dhabannadooda hooreysay; waayo Ismaaciil wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan taray muslimka dalka “Australia” wuxuu lacag u aruuriyay in la gado kaniisad ku tiil magaalada “ Brisbane” lagana dhigo masjid jaaliyadda Muslimiintu leeyihiin, waxaana masjidkaas loo bixiyay “ Moorooka Mosques” waa raad kaloo lagu xasuusan doono Ismaaciil, anigoo eebbe ka tuugaya in uu maanta abaalkeeda helo.

    Waxaan halkaan tacsi u marinayaa dhammaan ehelladii iyo qaraabadii saaxiibkay Ismaaciil Gama’diid, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa wiilkiisii aan muddada rafiiqa ku ahayn dalka Suudaan Dr.Maxamed Diiriye oo ah dhaqtar mihnaddiisu tahay qoraalka. Waxaan leeyahay saaxiib Ismaaciil wuxuu ahaa khadar ilaahay ummadda u soo diray isagaana oofsaday ee samir iyo iimaan ilaahay haynaga siiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.