Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ganacsade Maraykan ah oo iibsanaya kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea
    Somalia

    Ganacsade Maraykan ah oo iibsanaya kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayaa xaqiijisay in shirkad uu hoggaamiyo Todd Boehly oo ah milkiilaha Los Angeles Dodgers ay kooxdu la gaartay heshiis ku saabsan iibsiga kooxda kubbadda cagta ee ka ciyaarta hroyaalka Premier League.

    Kooxda fadhigeedu yahay garoonkaa Stamford Bridge ayaa bayaan ay soo saartay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegtay heshiiska 4.25 bilyan oo ginni oo u dhiganta ($5.2 bilyan), iyadoo heshiiskan uu ku xiran yahay oggolaashaha sharci ee uu ku hirgali karo.

    “Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea waxay xaqiijineysaa in lagula heshiiyay lahaanshaheeda kooxda cusub ee uu hoggaamiyo Todd Boehly” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Iibkan ayaa la filayaa inuu dhammaado dabayaaqada May, iyadoo ku xiran dhammaan ansixinta sharciyeynta ee lagama maarmaanka ah. Faah-faahin dheeraad ah ayaa la bixin doonaa wakhtigaas.”

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in dhammaan lacagaha kasoo baxa lagu ridi doono akoon banki ku yaalla UK oo ay xayiraadi saaran tahay ee milkiilaha Ruushka Roman Abramovich, kaasoo hadda ay saaran tahay cunaqabateynta dowladda Britain, isaga oo dhammaan lacagtaas dhammanteeda u bixin doona qaab samafal ah.

    Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo saddex toddobaad uun ay ka harsan tahay shatiga shaqada ee naadiga, kaasoo dhacaya May 31-da.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.