Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ganacsatada Somaliland oo $8 Milyan ugu yaboohday gurmadka masiibadii Waaheen
    Somalia

    Ganacsatada Somaliland oo $8 Milyan ugu yaboohday gurmadka masiibadii Waaheen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa xalay magaalada Hargeisa lagu qabtay kulan afur ah oo qaaraan loogu ururinayey masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana kulanku ka dhacay madaxtooyada, iyada oo ay kasoo qaybgaleen inta badan madaxda sare ee Somaliland iyo ganacsatada waaweyn.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xafladdii afurka ahayd in lagu ururiyey qaaraan lacageed oo gaaraya illaa 8 million oo dollar oo ay ku yabooheen ganacsatada kala duwani.

    Wasiirka Wasasaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland oo guddoomiye u ah guddida qaadhaan ururinta, ayaa sheegay in dawladdu ay xisaabta guddida qaadhaanka ee suuqa waaheen ay ku shubtay illaa $2,530,000 isagoo intaas sii raaciyey inay jiraan lacago ka soo gaadhay dawladaha jaarka ah oo lagu shubay xisaabta guddida qaadhaan ururinta suuqa waaheen.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo martigeliyey kulankan afurka ah ayaa sheegay inay wadayaan qaadhaankan illaa laga gaadhayo laba bilyan oo dollar, wuxuuna u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay gurmadka suuqa waahen.

    Dawladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sidoo kale waxaa socda qaadhaan ururin laga samaynayo meelo badan oo wadamada qurbaha ah si loo caawiyo dadkii hantidooda ku waayey suuqa waaheen.

    Maayarka Caasimadda Hargeisa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in hantida ku baaba’day suuqa waaheen lagu qiyaasayo illaa 2 billion oo dollar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.