Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Gen. Morgan oo ku geeryooday Nairobi
    Puntland

    Gen. Morgan oo ku geeryooday Nairobi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 28, 2025Updated:May 28, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Xirsi Morgan – ayaa ku geeryooday Isbitaalka ku yaalla magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    Gen. Morgan oo ahaa 76 sano jir ayaa kamid ahaa hoggaanka Dowladdii Milateriga ee uu hoggaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre.

    Maalmo kahor ayuu arrimo caafimaad uga amba-baxay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, oo sanadihii u dambeeyay uu kunoolaa Janaraalka oo si weyn geeridiisa looga dareemay dhulka Soomaaalida.

    Taariikh Kooban oo la xiriirta sooyaalka AUN Gen. Morgan.

    Gen.Morgan wuxuu 1949-kii ku dhashay magaaladda Qardho, wuxuu ciidamada xoogga ka mid noqday 1967; isaga oo wax ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka.

    Janaraal Morgan ayaa soo hoggaamiyay ciidamadii gobollada dhexe iyo gobollada woqooyi, xilligii Kacaanka, waxaana uu xilal Wasiir kasoo qabtay Dowladdii Milateriga, oo uu markii ugu dambeysay ka noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Sanadihii u dambeeyay waxaa uu kanoolaa deegaannada Puntland, isagoo 2019kii kamid ahaa musharraxiinta Madaxweynaha Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.