Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Amaanka oo ku canaantay Madaxda Somalida wada shaqayn la’aanta
    Somalia

    Golaha Amaanka oo ku canaantay Madaxda Somalida wada shaqayn la’aanta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 25, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, laguna dilay tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tira intaas ka badan.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

    “Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

    Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

    “Xubnaha golaha amaanka ayaa ku celnaya in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata” ayuu sii raaciyay war-murtiyeedka Golaha Ammana ee Qaramada Midoobay.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somaaliyaa iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socdta, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ba’an ee ka dhacaya Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.