Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.
    Somalia

    Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.
     
    Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.
     
    Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.
     
    Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.
     
    Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara.
     
    Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.
     
    Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya.
     
    Haddaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah “shacabka dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan kara marka ay timaato midnimada iyo ka shaqaynta nabadda”?
     
    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardayda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”.
     
    Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.