Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dib uhabayn lagu sameeyay
    Somalia

    Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dib uhabayn lagu sameeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MADAXWEYNAHA JFS OO DIB U HABAYN KU SAMEEYAY GOLAHA DHAQAALAHA QARANKA.

    Muqdisho, Nofeembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.

    Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

    1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

    Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

    2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo ka kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

    Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,

    Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

    1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud

    1. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
    2. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
    3. Adam Xuseen Rooble, Xubin
    4. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
    5. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
    6. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
    7. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
    8. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

    DHAMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.