Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Fadaraalka Oo ansixiyay Ku xigeenka Bangiga Dhexe iyo Xeerar …
    Somalia

    Golaha Wasiirada Fadaraalka Oo ansixiyay Ku xigeenka Bangiga Dhexe iyo Xeerar …

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 24, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

    Kulan,ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

    Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

    Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

    —-DHAMMAAD—-
    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    Media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    www.flickr.com
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    July 3, 2025

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    July 3, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    July 3, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.