Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Fadaraalka oo ansixiyay Miisaaniyad KMG ah
    Somalia

    Golaha Wasiirada Fadaraalka oo ansixiyay Miisaaniyad KMG ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2022Updated:March 13, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223.

    Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in miisaaniyaddan deg deg ah loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

    “Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo ka badan sanad ku jirta xaalad xil-gaarsiin ah kadib markii madaxweyne cusub la dooran waayey markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, oo ku ekaa 7-dii Febraayo 2021, si loo soo dhiso dowlad cusub.

    Dhameynta doorashada golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhowr mar dib uga dhacday jadwallo loo qabtay, waxaana ay u egtahay inay mar kale ka dib dhici doonto waqtigii ugu dambeeyey ee loo qaabtay oo ah 15-ka Maarso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.