Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Golaha Wasiirada Xasan Shiikh oo meel mariyay Xeerar Doorasho
    Puntland

    Golaha Wasiirada Xasan Shiikh oo meel mariyay Xeerar Doorasho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 8, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada XFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa meelmariyay labo xeer oo ku qotoma doorashooyinka dalka iyo nidaamka axsaabta siyaasadda Soomaaliya, xilli dowladda Xassan Sheekh ay lumisay sharci ahaanshaheeda, maadama ay laashay dastuurka KMG ah ee dalka.

    Xeerka doorasho ee Wasiirada Xamar ayaa dhigaya in dalku aadayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan la aqoon halka lagu qaban doono, maadama inta badan deegaanada Koonfurta Soomaaliya ay joogto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

    Sida ka muuqata xeerka – Xassan Sheekh ayaa doonaya in mashruuciisa doorasho uu isticmaalo muddo kororsi uu helo, marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa May 2026. Waxaana xeerka lagu muujiyay in duruufo adag oo yimaada ay sababi karaan in uu iska sii joogo xafiiska.

    Golaha Shacabka BJFS ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe,ayaa la saadaalinayaa in ay ansixiyaan dhowaan Labadan Xeer iyo hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo uu doonayo in Xassan Sheekh uu soo magacaabo.

    Mucaaradka,ayaa si ba’an uga biyo diiday damaca aan waaqiciga ahayn ee Xassan – iyagoo sheegay in aysan ka yeeli doonin wixii ay ku mideysnaayeen sanado kahor, xilligaas oo Xassan Sheekh iyo xubno kale ay hubka u qaateen damacii Farmaajo ee dhismaha nidaam Kali-talis ah, kaas oo la ogyahay in Soomaaliya uu u horseeday halka maanta ay joogto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.