Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goormaa lasoo gabagabaynayaa hawlgalka ATMIS?
    Somalia

    Goormaa lasoo gabagabaynayaa hawlgalka ATMIS?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 22, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga dalka oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

    “Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka.

    “Dhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.