Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goormaa wadanku yeeshay lixda Dawlad Goboleed?
    Somalia

    Goormaa wadanku yeeshay lixda Dawlad Goboleed?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay muddo aan fogayn inay wada tashi isugu yimaadaan Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedyadu 28/10/2017 si looga wada hadlo arrimo loo arko inay xasaasi yihiin oo wada tashi u baahan.
     
    Sida la ogsoon yahay Dawlada Dhexe raali kama ahayn qabsoomida shirkii wada-tashiga ee Dawlad Goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, Magaalo madaxda KMG ah ee Jubbaland, in kasta oo uu wadatashigoodu ahaa mid distuurka Soomaaliyeed u ogol yahay. Shirkaas ayaana sida la sheegay sabab u ahaa in madaxweynuhu codsado wadatashiga.
     
     Sida soo baxday madaxweynuhu wuxuu ku amray labada gole ee Baarlamaanka in aanay ka qaybgelin shirkaas. Amarkaasi wuxuu meel ka dhac ku ahaa jiritaanka iyo awooda labada Aqal, wadankuna waxaad moodaa inuu usii xuubsiibanayo nadaam keligii talis ah (Dictatorial System) halkii uu ka noqon lahaa Nadaam Baarlamaani ah (Parliamentarian System) kaas oo Baarlamaanku awooda sarre leeyahay.
     
    Waxaabase arrintu ka sii dartay markii shirkii la isugu yimid 29kii bisha uu madaxweynuhu soo fariisiyey shirkii lagu casumay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Gudoomiyaha Gobolka Benadir oo ah shakhsi magacaabidiisa uu lahaa madaxweynuhu halka madaxweynayaasha Gobolada ay soo doorteen Baarlamaan matalaya Gobola isugu tegey si distuuri ah.
     
    Mar labaad taasi waxay meel ka dhac ku ahayd awooda iyo jiritaanka madaxweynayaasha, Baarlamaankooda iyo shacabka oo soo doorta Baarlamaankaas. Waxaana muuqata in madaxweynaha Somalia aad loo cabsiiyey sheekadii Xamar ka socotay oo ahayd Madaxweynayaasha la sheegayaa kama duwana guddoomiyaha Gobolka Banadir. Waxaana muuqata in aanu Madaxweynuhu qadarin dastuurka dalka, awooda baarlamaanada ka dhisan Dawlad Goboleedyada (Dawlad Goboleedyadu waxay ka kooban yihiin gobollo isu tagey kama koobna xaafada isu tegey) iyo isaga madaxweyne ahaan cida uu casumay sida lagu sheegay baaqii madaxweynuhu soo jeediyey ee casumaadu ku soo baxday.
     
    Dhinaca Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada dalka masraxa fadhiya waxaad moodaa inay meel isaga tureen nadaamka iyo sharciyada ay shirka ku fadhiyaan.
     
    Gobolka Benadir waa magaalada Muqdisho oo ah Caasimada dalka Soomaaliya, lagu sheegay Dastuurka dalka in xeer gooni ah oo la isku raacsan yahay loo samayn doono, mana ahan Dawlad goboleed saxna ma ahan in laga dhigo dawlad Goboleed.
     
     
    W/Q Mr Cumar Mahamud Farah Dhoolawaa
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.