Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka (Sawirro)
    Somalia

    Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka (Sawirro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexesa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ,diyaaarinta sharciyada doorashooyinka,wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diwaangalinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta axsaabta ,waxaana sidookale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta dowladda federaalka ah ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubnaha Guddiga madaxabanana ee doorashooyinka iyo wakiilo kaoscday Beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

    Gudoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Somaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

    “Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor ,mudadaas 47-da sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaa tarjunno luqadda doorashooyinka waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan arajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod ,xor iyo xalaal ah”

    Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qm u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qm ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran ee madaxa banaan.

    “Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay QM inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Somaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020”

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Thaabit cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

    Wasiirka Wasaardda Qorheynta Dowladda federaalka mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri

    “Guddiga doorahooyinka qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sidaa istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha hormarinta qaranka iyo dastuurka dalka ,marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo”

    Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo sidoo kale katirsan xubnihii kasocday axsaabta siysaadeed ayaa shacabka Somaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaalada uu guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

    Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada iyadoo dhawaan guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-xisbi oo kamid ah ururada siyaasadeed ee dalka ka jira.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.