Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka maxay la soo shirtageen?
    Somalia

    Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka maxay la soo shirtageen?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka waxey la soo shirtageen.

    1- Kuraas xawilaad ah: Saaxiibow kursiga ii soo xawil. Maxaa dhacay? Deegaankii aan doorashadii hore ka soo galay la iskuma halleyn karo, maxaa dhacay? Haramcad, Gorgor iyo Nabadasugidda Eritrea lagu soo tababaray ma joogaan. Deegaanka aad rabto qabiilkaaga ma deganyahay? Dan kama lihi deegaan iyo qabiil. Haye waa kuu beddelnay.

    2- Muqdisho kuraas xildhibaanno ma laha, laakiin waxaa lagu soo xawilayaa kuraasta dadka aan deegaankooda tegi karin, ama ka cabsanaya in deegaankooda laga soo dooran waayo. Laakiin si aysan reer Muqdisho inoo fahmin aan 7 Kursi oo Aqalka Sare ah oo hannaanka Baarlamaanka ku dhisanyahay oo ( 4.5) ah aan ku tuurno. Muqdisho maqaamkeediina? Hadda xoog looma helo? Oo
    managa yeelayaan? Sow tii ay mudaaharaad ku taageereen maaha? Tan kale reer Muqdisho dareen siyaasadeed iyo dadnimo ay waxaan ku fahmaan malaha, daaraha dhaadheer ayaa u daran.

    3- Waxey kaloo dheheen kuraasta xildhibaannada Somaliland waxaa soo dooranaya ergooyin 81 iyo ka badan, laakiin kuraasta kale toos ayaa loo soo dooranayaa. Oo sideey xildhibaan ergo soo dooratay iyo xildhibaan dadwayne soo doorteen isku Baarlamaan u soo gelayaan? Sow Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka ma khilaafsana? War dadkaan haddii ay dastuur iyo sharci fiirinayaan miyaa doorasho qof iyo cod iyo kuraas qabiil isi soo waafajiya nala oran lahaa?

    4- Kuraasta Baarlamaanka waxba iskama beddelin waa sidoodii. Waa 275 oo 4.5 ah. Waayahaee su’aal, oo haddii ay sidaas tahay maa qabiilka loo daayo ama dowlad goboleedka. Maya kuraasta qabiil ayaa leh, doorashadana dowlad goboleedyada ayey ka dhaceysaa, laakiin qaybinteeda iyo qoyndeynteeda annaga ayaa leh. Kuraasta qaar ayaan innagu xawilnay, ka waran ruuxii xawilaad kursi raba? halla xariiro xafiiska Guddiga Madaxa bannaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.