Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga la dagaalanka Lacagta maalgelinta argagixisada oo kulmay
    Somalia

    Gudiga la dagaalanka Lacagta maalgelinta argagixisada oo kulmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Nofeembar 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab.

    Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.
    Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda khawaarijtu ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

    Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF).

    Kulankan waxaa ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.