Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudigii dabagalka cunaqabataynta Somaliya iyo Eretereya oo lakala diray
    Somalia

    Gudigii dabagalka cunaqabataynta Somaliya iyo Eretereya oo lakala diray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa lafilayaa in ay soo saaraan qaraar lagu cusbnooneeysiinaya cuneqabateeynta saaran Somaaliya, laguna qaadayo cuneqabateeynta saaran Eritrea  oo isuu jirta  Cuneqabateyn hub, Duulimaadyo lamamnuucay iyo hanti lafariisiyay taasi oo la saaray 2009kii.

    Qaraarka Golaha amaanku waxaa uu sidoo kale kala dirayaa Guddigii la socodka cuneqabateeynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ee magaciisu ahaa Monitoring group waxaana la aasaasayaa guddi cusub oo qubaro ah kaasi oo qaabilsanaan doona cuneqabateenta Soomaaliya ee la cusbooneeysiinayo.

    Guudigaan Magaciisu waa Panel of Experts on Somalia.

    Warbixin lagu daabacay Bogga internet ka ee Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa lagu sheegay in cuneqabateyn ka qaadista Eritrea ay timid kadib markii isbadalo amni iyo siyaasadeed ay kasoo muuqdeen Gobolka tan iyo markii Ra’iisulwasaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweeynaha Eritrea Isaias Afwerki ay heshiish kala sixiixden 9kii July ee sanadkaan taasi oo dhameeysay colaad jirtay 20 sano.

    Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Dowladda Ethiopia ay Golaha Amaanka ku riixday in ay cune qabateeynta ka qaadaan Dowladda Eritrea.

    Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Jabuuti ayaa xog hayaha guud ee Golaha Amaanka QM waxay u direen Warqad taariidku markii ay ahayd 11 kii July ee sanadkaan taasi oo ay ugu sheegeen in Golaha Amaanku uu kala shaqeeyo fududeeynta in ay heshiis gaaraan Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea  iyagoo adeegsanaya hanaan gaar ah oo dhex-dhexaadin leh.

    Golaha Amaanka ayaa waxaa ay bilo kadoodayeen in cune qabateeynta hubka laga qaado Eritrea iyagoo tixgalinayay Afartii sano ee lasoo dhaafay oo Guudiga la socodka cuneqabateynta hubka ee Saran Soomaaliya iyo Eritrea uusan soo bandhigin wax cadeeyn u ah in Dowladda Eritrea ay taageerto Dagaalamayaasha Al-shabaab ee Soomaaliya.

    Sababtii ugu weeynayd ee Cuneqabateeynta loo saaray Eritrea-yana waxay ahayd taageeradda Al-shabaab.

    Intaa kadibna Golaha ayaa waxaa uu Eritrea u sheegay in cune qabateeynta laga qaadi doono haddii ay xaliso muranka kala dhexeeya Jabuuti.

    6dii September ayey Jabuuti iyo Eritrea ku dhawaaqeen in ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii, taasi oo keentay in Shir sedax geesoor ah ay sucuudiga ku yeeshaan Ra’iisul wasaraha Itoobiya iyo Madaxweeyne yaasha labadda Dowladood 17kii September ee Sanadkaan, sida lagu sheegay Warbixinta lagu daabacay Website ka Golaha Amaanka ee QM.

    Maadaama aysan jirin wax cadeeyn u ah in Eritrea ay taageerto Al-shabaab waxaa sidoo kale xal laga gaaray ururaddii kasoo horjeeday Dowladda Ethiopia oo Dowladda Heshiis la gaaray, arristaasna wuxuu goluhu u cuskaday in Cune qabateeynta laga qaado Eritrea.

    Golaha Amaanka ee QM ayaa waxa ay isku raaceen in ay shaqeeyaan Guddiga khubaradda ee Soomaaliya  illa iyo 15-ka December 2019 iyo in tiradda guddigu ay ka yaraato kii lakala diray ee monitoring group oo ka koobaa 8 xubnood.

    Hase ahaatee waxaa uu wali muran ka taaganyahay tirada ay gudiga cusub noqonayaan, Ruushka ayaa waxaa uu soo jeediyay in guddigu noqdo Shan khabiir, laakiin xubnaha kale ee Golaha ayaa waxaa ay ku adkeeysteen in laga dhigo Lix.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.