Cumar Cabdirashiid oo qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku beeniyey hadalkii Shariif ee ahaa in uusan waxba ka ogayn heshiiska.
Sh.Shariif oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey goβaanka ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda,ayaa sheegay inaanu la socon heshiiska,islamarkaana Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarka subaxii uu u aadayey Nairobi.
Balse Cumar wuxuu shaaca ka qaaday inuu wax ka ogaa heshiiska Sh.Shariif.
βMadaxweyne Shiikh Shariif qeyb,ayuu ka ahaa hanaanka goβaanka looga gaaray in la teegeero heshiiska MOU ee hadda farqiga ka sameeyey kiiskeena. Halista ay leedahay in la inkiro, waa inay furi karto waddo madaxweyne Farmaajo uu berri ku beeniyo inuu wax ka ogaa dhiibistii Qalbi-Dhagax, sidaasna ay wax walba ku socdaan,β ayuu yiri C.Sharmarke.

 
									 
					