Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaa dagaalkii Armeeniya iyo Azerbejaan
    Somalia

    Halkee marayaa dagaalkii Armeeniya iyo Azerbejaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta oo Sabti ah sii wada dagaalkooda oo galay maalintii toddobaad ee uu ka socdo agagaarka gobolka Nagorno-Karabakh, iyagoo iska dhega tiray baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta.

    Armenia ayaa sheegtey in caasimadda gobolka ee Stepanakert lagu bartilmaameedsaday duqeyn ay geysteen xoogaga Azerbaijan.

    Masuuliyiinta gobolkan gooni-u-goosadka ah ayaa ka digay in “dagaalkii ugu dambeeyay” ee gobolka uu bilowday. Waxa Sabtida maanta ah ugu baaqeen beesha caalamka in “aqoonsiga madax-bannaanida” Nagorno-Karabakh ay tahay “habka kaliya ee wax ku oolka ah ee nabadda lagu soo celiyo.”

    Armenia ayaa Jimcihii sheegtay in ay kala shaqeyn doonto Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska dib u cusbooneysiinta xabad joojin ka hergasha gobolka Nagorno-Karabakh iyadoo tirada dhimashadu ay sare u kacday maalintii lixaad oo uu dagaal ka socda gobolkan gooni-u-goosadka ah ee dhaca Koonfurta Caucasus.

    Azerbaijan, oo kula dagaalameysa xoogagga qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh, ayaan ka jawaabin baaqa xabad joojinta ee ay u direen saddexda dal ee sida wadajirka ah u guddoomiya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE) Minsk Group ee dhexdhexaadinaya colaaddan.

    Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa Talaadadii meesha ka saaray in Armenia lagala hadlo arrimaha gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo Turkey oo xulufo la ah Azerbaijan ay Khamiistii ku dhawaaqday in saddexdan quwadood ee waaweyn aysan door ku lahayn nabadeynta.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu khadka taleefanka si is xigxiga kala hadlay ra’iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, iyo madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, wuxuuna soo jeediyay qaab cusub oo dib loogu bilaabayo wadahadalka kooxda Minsk dhexdeeda.

    Halkan ka daawo muuqaalka waraysi Madaxweynaha Armenia

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.