Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hanaan cusub oo uu ku shaqayn doono Bangiga Dhexe ee Puntland oo la daah-furay (VIDEO)
    Somalia

    Hanaan cusub oo uu ku shaqayn doono Bangiga Dhexe ee Puntland oo la daah-furay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 1, 2020Updated:November 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, ayaa daahfuray hanaanka cusub ee uu ku shaqayn doono Bangiga Dhexe ee Dowlada Puntland. Hanaankaas oo ah mid Bankiga dhexe Dawladda Puntland kaga guurayo qaabkii hore ee ku salaysnaa Qalinka iyo Warqadda.

    Agaasime ku xigeenka Bankiga Dhexe Marwo Anisa Abdirahman oo si hufan u soo bandhigtay sida uu u shaqayn doono Hanaankan Electronika ah, Qorshayaasha Guud ee Bankiga Dhexe iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii gaabneyd ee maamulka bankiga gacanta ku hayeen.

    Agaaimaha Guud ee Bankiga Mudane Maxamed Faarax ayaa ka waramay hiigsiga guud ay dawladda Puntland ka leedahay horumarinta Bankiga Dhexe.

    Agaasinaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Mudane Faysal A. Warsame ayaa waxa uu aad u dhiirigaliyay isku tashiga Bankiga Dhexe muujiyay iyo weliba habka isla xisaabtanka iyo Daahfurnaanta Maaliyadeed ee madaxweye Siciid Cabdullahi Deni hormoodku ka yahay.

    https://www.facebook.com/1347891271958315/posts/3526418224105598/

    Munaasabadda Daahfurka waxaa kasoo qeybgalay qaarka mid ah Agaasimayaasha guud ee Dowladda, khuburo ku xeel dheer bangiyada iyo mas’uuliyiin ka wakiil ah shirkadda Ares Information Technology oo Dowladda kala shaqeysa casriyeynta nidaamka maaliyadda.

    Qorshaha maanta la daahfuray ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta Hannaanka Khasnadda Mideysan ee Dakhliga (TSA), oo ah mid suuragal ka dhigaya in ay hal akoon maraan dhammaan dakhliyada iyo kharashaadka dowladdu.

    Qodobada kale ee qorshahan ku jira waxaa kamid ah sidii loo dardar gelin lahaa shaqada bangiga loogana dhigi lahaa mid la jaanqaadaysa hannaanka caalamiga ah ee bangiyadu ku shaqeeyaan iyo halbeegyada dunida ee dhanka maarayna maaliyadda.

    Dowlada Puntland ayaa labadii sano ee u dambeeyey wadday qorsheyaal dhowr ah oo ku aaddan dib u habaynta iyo casriyeynta nidaamka maaliyadda, si loo beekhaamiyo kharashaadka islamarkaana kor loogu qaado dakhliga Dowladda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.